“Waxaa Socda Qorshe Ciidammada Kenya Lagaga Saarayo Soomaaliya Oo Lagu Bedelaayo Itoobiyaan…” Wargeyska The Star

0
493

Iyada oo uu jiro Khilaaf dhinaca Diblumaasiyadda ah oo ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalkaasi Kenya wuxuu qoray warbixin uu kaga hadlaayo inuu socdo qorshe la doonaayo in Ciidamada Kenya lagaga saaro Soomaaliya, laguna bedelo kuwa Itoobiyaan ah.

Warbixinta Wargeyska uu qoray ayaa waxa uu ku sheegay qorshaha la doonaayo in Ciidamada Kenya lagaga saaro Soomaaliya inuu wado Agaasime Ku xigeenka Nabad Suggida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haysta Baasaboorka dalka Kenya.

Wargeyska ayaa sheegay in la doonaayo Ciidamo Itoobiyaan aanan ka tirsaneyn hawlgalka Amisom in lagu wareejiyo Dakadda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, islamarkaana laga saaro Ciidamada Kenyatigga ee hadda ku sugan.

Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay madaxda dowladda inay doonayaan shaqsi ay wataan inay geeyaan Maamulka Jubbaland oo dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Doorashada Maamulkaasi.

Maqaalka ayaa intaas ku daray in haddii sida Fahad iyo Farmaajo wax u wadaan ay u dhacdo meeshana laga saaro Axmed Madoobe ay danaha Kenya ee Soomaaliya halis galayaan.

Wargeyska ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ugu sarreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ay doonayaan in Ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya isaga baxaan Amisom, islamarkaana Maamulka Jubbaland loo dhiibo qof aan ahayn Axmed Madoobe oo xulafo dhow la ah Kenya.