Wasiirka Wasaarada warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa waxaa uu si kulul uga jawaabey hadal shalay ka soo yeedhay haweenayda gudoomiyaha ka ah kominshanka doorashooyinka dalka Somaliya oo sheegtay in doorashooyinka qof iyo codka ah ee Somaliya ka dhici doona ay Somaliland ka dhici doonto

Wasiirka ayaa arintaasi ku sifeeyey hadal la iska yidhi waxaana uu cadeeyey in Somaliland ay iminka iska qoomameynayso in ay wax wada hadal ahba la furto dawlada Somaliya