Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Ka Soo Jawaabay Hadalkii Madaxweynaha Ee 18 May

0
723

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka jawaabay Hadalkii maanta ee Madaxweynaha Somaliland. Qoraal uu umuurtaas kaga hadlaayo ayuu ku yidhi sidan .

Waxa aan guud ahaan hambalyo iyo bogaadin weyn u dirayaa shacabkayga Somaliland ee dal iyo dibadba jooga gaar ahaana ciidanka qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda xuska 18-ka May oo ah maalin qarankani madax bannaanidiisii la soo noqday.

Walaalayaal maanta oo ah 18-ka May, waa maalin inagu weyn oo qaranku leeyahay, waa maalin gobonimo ku suntan, waa maalin mudan xurmeyn gaar ah iyo weyneyn, waa maalin aanay xisbiyada qaranku isu muuqan oo ay qaranimadu wax kast ka weyn tahay.

Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo!

Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

GUUL & GOBANNIMO.