Jabuuti, Itoobiya, Uganda Iyo Koonfurta Suudaan Oo Ku Heshiiyay Inay Dhistaan Khad Isku Xidha Caasimadahooda

0
610

Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa gaadhay heshiiskii u horreyay oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan khad isku xidha caasimadohooda.

Shir laba maalmood socday ayaa lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta khadka.

Dhinacyada ay khuseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn.

Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiya.

Baadhitaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono khadka isku xidhka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca.