Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Ganacsade Xassan Axmed Xussen ayaa waxaa uu maanta soo bandhigay dhibaatada Hotel-kiisa ka soo gaadhey roobabkii xoogana ee xalay ka Da,ay magaalada Hargeysa

Roobkii xalay ka da,ay Hargeysa ayaa guud ahaan Hotel-ka hadhwanaag ee magaalada Hargeysa dhibaato soo gaadhsiiyey oo ay biyuhu gudaha u galeen iyo xayn daabka danbe Hotel-kaas ee dhinaca Dooxa xigta oo ay biyahaasi dumiyeen

Waxaa uu sheegay in biyaha khasaaraha soo gaadhsiiyey Hotel-ka ay ka soo galeen Afaafka hore ee Hotel-kaas oo ay marto laag biyo badan soo qaada , marar badana ay dawlada hoose ee Hargeysa ay ku war galiyeen inay wax ka qabato balse aaney waxba ka qabanin .

“ Runtii raxmadii aynu Ilaahay ka baryeynay baa timid , intii dadku ka dhintey waxaanu leenahay Samir iyo Iimaan , anaga Hadhwanaag ahaan Hotel-kii waakaas waad aragtaan daadku Albaabka ayuu naga soo galay , waxaana ay biyahaasi fujisteen dayr-kii danbe ee Hotelka , dhawr sanadood gudahood-na waa markii labaad ee ay arintaasi dhacdo , waxaana arintan sabab u ah ililadan yar ee Hotel-ka hortiisa Mareysa oo inta shabag lagu xidhay uu xashiish xidhay , meheradihii u dhawaa oo dhamay way buuxaan anaga Sariirihii ilaa mad-bakhii cuntada ayey biyihi buuxaan “ ayuu yidhi

Xassan Bulbul Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in isaga oo cashuur bixiye ah in aaney dawladii Hoose ee Hargeysa ka soo ag warin ilaa hada

“ 12 duhur- nimo ayaa hada la marayaa dawlada hoose iyo dawlad dhexe mid ilaa hada noo timid oo na tidhi waar sidaad wax u qabtaan ma hayno , waa mid subxaana leh oo kamaanu filaneen , dhawr iyo toban sanno –na wax cashuur ahi igumay baaqanin , hadii ay tahay mid dawlada hoose iyo mid dawlad dhexe ismanaan laheyn waxan ayaa dhici doona “

Ganacsadaha ayaa sheegay in sheegay in dalka ay wax weyn ka qaladan yahiin isla markaana waxaa uu ku baaqay in dalka iyo dadka sidan loo dhaamo

“ Xukuumada dhexe waxaanu leenahay waar dalka iyo dadka sidan ha lo dhaamo , dawlad hoose-na ma jirto ee madaxweyne sidan hadeynu ku sii socono dawlad nimo ma sheegan karno markey caasimadu sidan tahay , waxa kale oo ayaan daro ah iminka Xafada GOLJANO cagaf-yadii dawlada hoose ayaa ka shaqeynaya , Hadhwanaag Hotel-na sidaad wax u qabtaan lama odhanin “ ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey ganacsade Xassan Bulbul