Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Soo Bandhigay Goob Uu Sheegay Inay Mudan Tahay In Xaaji Cabdi Waraabe Loogu Magac Daro

0
739

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa soo jeediyey goob uu sheegay inay mudan tahay in loogu magac daro alle haw naxariistee marxuun Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe).

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal soo saaray waxa uu ku soo jeediyey in kulliyada nabada iyo xalinta khilaafaadka ee jaamacada Hargeysa loogu magac daro marxuun Xaaji Cabdi Waraabe.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan:-

Fikrad soo jeedin: Haji Abdi Warabe Institute for Peace and Conflict Studies – Hargeisa University. Anigu waxaan soo jeedin lahaa in lagu bilaabo Oo magacaa loo bixiyo qaybta lagu barto nabadda iyo xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa.

Xaajigu Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee maadama uu ahaa qof xagga nabadda ku xeel dheer, kuna suntan islamarkaana tacab badan geliyey waxa lama huraan ah in loogu magac daro goob muhiim ah Oo ay Bulshadu qadariso.

Sidoo kale dalka Maraykanka gaar ahaan Jaamacadda Harvard university waxaa jira school ka mid ah Oo arrimaha dawladda iyo siyaasadda lagu barto Oo loogu magac daray madaxweynihii Maraykankee John F Kennedy, waxaana iskuulkaasi la yidhaa; ” John F Kennedy School of Goverment at Harvard University”.

Sidoo kale inaguna waxaynu odhan karnaa; ” Haji Abdi Warabe Institute for Peace and Conflict Studies at Hargeisa University. Goob keliyana uma qalmee 2 iyo 3 ba wuu u qalmaa. Fikradaha laysla dhex marayo ee halkii lagu maamuusi lahaa ayaan aniguna ku soo dhex tuuraya fikradaasi haddii Eebbe yidhaa. Bal aniguna soo jeedintaydaasi diiwaanka ii geliya inshallah.