Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Naf Waayey Roobabkii Caawa ka Da’ay Dalka Soona Kormeeray

0
553

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Naf Waayey Roobabkii Caawa ka Da’ay Dalka Soona Kormeeray Goobaha Khasaaruhu Ka Dhacay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobab mahiigaan ah oo caawa ka da’ay dalka gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ay ku dhinteen shan ruux, halka ay sagaal kalena ku dhaawacmeen. Waxaanu madaxweynuhu isla caawa kormeer ku tegay goobaha khasaaruhu ka dhacay iyo guud ahaan waxyeelada magaalada roobku gaadhsiiyey.