“Somaliland Way Seexatay Oo Gacmaha Ayey Laabatay Oo Mug Ay Adduunka Kula Hadasho Ma Leh Oo Waxa Ka Socda Dunida Ma Oga, Markaa Somaliland Tartan Gelaysa Oo Xullufadeeda Ka Faa’iideysanaysaa Oo Firfircooni Ma Jirto…”-Faysal Cali Waraabe

0
602

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ku Dhawaaqay Shir Lagu Xisaabinayo Waxa U Qabsoomay Iyo Waxa Ka Xummaaday

 

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Xuseen ayaa si adag u dhaliilay xidhiidhka Somaliland iyo Dalalka Adduunka iyo heerka tartanka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyo waliba xaaladda Xujaajta sanadkan iyo qorshaha dawladda Soomaaliya ka leedahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey HCTV, waxaanu ugu horreyn ka warramay dareenka uu qabo madaxda dalkaasi Soomaaliya, waxaanu yidhi “Maamulka Muqdisho ee ay madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre haddii aan laga qaban waxa laga yaabaa dhulkaa Soomaaliyeed ee aanay nabadi ka jirin ee ay joogaan Ciidammada shisheeye ee kheyraadkoodii la guranayo waxa suurto gal ah inay fowdo galiyaan oo dagaal sokeeye ka ridaan, waayo muraayada uu sito Farmaajo waa mid qabyaaladeed”.

Faysal waxa uu ka digay qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ee Xujaajta dadka Soomaalida ah ee sanadkan iyo shirkadaha diyaaradeed ee qaadaya, “Shirkadaha Xujaajta qaadi jiray waxay ahaayeen laba Shirkadood oo kala ah Daallo iyo Juba, waa Shirkaddo Soomaaliyeed waxase uu Farmaajo uu u arkay Shirkaddo Qabyaaladeed, markaa waxa uu damacsan yahay in shirkaddo qabiil u beddelo oo uu shirkaddo yaryar oo reer ah sameeyo oo aan hore u jirin inuu abuuro”. Faysal waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Xajka waxa hore laynoo siin jirey 9,300 xaaji oo isugu jiray Somaliland iyo Soomaaliya, sidaasi awgeed Somaliland waxa tegi jiray ilaa 3,500 oo xaaji, halka Soomaaliya na ay ka tegi jireen ilaa  5,000 oo xaaji, Gobollada dhexena waxa ka tegi jiray ilaa 800 oo xaaji, hadda Farmaajo waxa uu doonayaa inuu wixii qabaa’il ka dhigo oo uu yidhaa magaalooyin ayaan u qayb-qaybinayaa oo waxaan sameynayaa shirkaddo yaryar oo qabiil, markaa waxa qalad ah niman aan xukumin 2km oo magaalada muqdisho ah in la yidhaa masiirka Soomaaliya ayaad ka masuul tihiin”.

Faysal waxa kale oo uu sheegay sababta lagu bixiyo kharashka ciidammada shisheeye ee Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga ku baxa, “Ciidanka Amisom waxa ku baxay lacag gaadhaysa hal bilyan oo dollar, waxaana lacagta intaasi leeg loogu ixtiraamay oo loo siiyaa si loogu gurto kheyraadka Soomaaliya oo ay shisheeyuhu danta ay ka leeyihiin u sameystaan oo ay ka saxeexdaan”.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa la weydiiyey sida uu arko go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ku sheegtay in qaadista Xujaajta ay shirkaduhu ku tartami doonaan, “Ma ogtahay in Ninkii hore ee Wasiirka Diinta ee Soomaaliya ahaa inta uu caddaalad ku hadlay in lagu eryey muddo ka yar bil, markaa way iska hadlayaan oo waynu arkaynaa in aanay jirin cid kale oo leh awooda qaadista Xujaajta oo aan aheyn labada shirkadood ee Daallo iyo Juba, markaa waxa weeyi aniga ayaa awoodii leh oo adduunku i aqoonsan yahay oo arrinta qabiil ka dhigaya”.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu ka jawaabay in cilaaqaadka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu u sahli weyday inay Somaliland qaybteeda gaar u qaadato, “Somaliland way seexatay oo way iska fadhiisatay oo gacmaha ayey laabatay oo mug ay adduunka kula hadasho ma leh oo waxa ka socda dunida ma oga, markaa Somaliland tartan gelaysa oo xullufadeeda ka faa’iideysanaysaa oo firfircooni ma jirto”.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu arrintan ku dhaliilay Xukuumadda, “Waxaan ku dhaliilayaa maamulka hadda jira ee talada haya oo shaqadii dawladnimo ee Somaliland way istaagtay, laakiin anaga ayaa nool oo wixii dadkeena ku xun u taagan oo ma arkayno dawlad Somaliland ah oo la tartamaysa ta Soomaaliya oo yur yur odhanaysa dawladda Soomaaliya ee ay hoggaaminayaan kurrayda yaryar ee Muqdisho fadhida”.

Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dhawaaqay shir isla xisaabtan ah oo xisbiga ucid dalka ku qaban doono, “Waxaan doonaynaa in aanu qabano shir aynu ku xisaabtamayno ilaa 1960-kii ilaa maanta aynu taariikhda Somaliland maxaa inoo qabsoomay, maxaa inaga xummaaday, haddii ALLE yidhaa maalinta 26-ka juun oo ku beegan maalintii aynu calanka qaadanay ayaanu qaban doonaa, waxaana shirkaasi qabanaya Xisbiga Ucid oo la kaashanaya ururada bulshada rayidka ah”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe