Siyaasi Somaliland Ka Soo Jeeda Oo Maayir Ka Noqday Degmo Ka Tirsan London

0
636

Maayirkii u horreeyey ee Afrikaan ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland ayaa Maayir ka noqday degmada I,,,,,,, oo ka tirsan London.

Xaflad loo sameeyey caleemo saarka Maayirka cusub ee degmadaasi Mudane Cabdillaahi Axmed Guuleed ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen siyaasiyiinta xisbiyada dalkaasi iyo hormoodka bulshada ku dhaqan deegaankaasi.

Maayirka cusub ee degmadan London ka tirsan Mudane Cabdillaahi Axmed Guuleed ayaa ugu horreyn ka warramay sababta ku dhalisay inuu ka qayb galo siyaasada dalka Ingiriiska oo hadda ka  noqday Maayirka koonfurta London, waxaanu yidhi “Waxa igu dhalisay markii aan dhameeyey shaqadii aan takhasuska u lahaa ayey ii soo baxday inaan ka qayb galo siyaasada dalka Ingiriiska ee may aheyn wax aan hore uga sii fikiray, sidaasi awgeedna waxa jira dalka Ingiriiska haddii uu Qofku cashuur bixinayo inuu cod yeesho, waxaana muhiim ah inuu qofku eego waxa uu qaban karo, sidaasi darteed na haddii aad daacad tahay waxa kuu codeynaya cid kasta”. Maayirku waxa kale oo uu intaasi uu ku daray, “Tallaabadani waxay dhiirigelin u noqoneysaa dhallinyarada oo ay tahay inay ku dedaalaan sidii ay halkaasi u gaadhi lahaayeen”.

Dhinaca kalena, Safiirka Somaliland u jooga midowga Yurub ee Brusseles Maxamuud Cabdi Dacar oo ka qayb galay xaflada Caleemo saarka Maayirkani ayaa ka dareen celiyey, “Waxaan halkan u imid inaan ka qayb galo caleemo saarka Maayir Cabdillaahi Axmed Guuleed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ahna maayirkii u horreeyey ee Soomaali ah ee noqda Maayir, markaa dad badan ayaa gudaha dalka Ingiriiska iyo dunida kale ba ka kala yimid oo ay tuseyso Ninkani shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay iyo halka uu gaadhay ba oo magac weyn u leh dadka reer Somaliland”.