Marxuum Xildhibaan Cabdi-Waraabe Oo Hargeysa Ku Geeriyooday, Berrina Lagu Aasi Doono Tuulada Toon & Taariikhda iyo Waayihii Nololeed ee Marxuumka

0
849

Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe), ALLE naxariistii jano ha ugu deeqee waxa uu maanta ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaala Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana berri subax lagu aasi deegaanka Toon oo ku yaala duleedka Koonfureed ee Hargeysa.

Akhristayaal, Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdi-Waraabe oo ILAAHAY ku maneystay garasho iyo geesinimo xeel dheer waxa uu noolaa muddo dheer oo uu ka dhaxlay taariikh weyn oo lagu majeerto oo ay ku dheehan tahay odeynimo, sidaasi awgeed waayihiisii nololeed ee dhallinyaranimadiisii ilaa hadda waa tan:-

“Xaaji Cabdi-Waraabe waxa uu ahaa Nin Waayeel ah oo si weyn loogu xasuusto arrimaha dib u heshiisiinta, samataliska iyo isu soo dhaweynta bulshada, taariikh dheerna waxa uu ku dhex lahaa guud ahaan dadka iyo dalka Somaliland, haatan oo uu geeriyoodayna waxa uu xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, isla markaana ahaa odeyga golahaasi ugu da’da weyn.

Haddaba, Marxuum Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), waxa uu sanadkii 1898-dii uu ku dhashay miyiga magaalada Hargaysa sida uu BBC-da u sheegay intii uu noolaa.

Xaaji Cabdi-Waraabe oo sanadkii 2012-kii BBC-da uga warramay taariikh nololeedkiisa ayaa sheegay in uu yaraantiisii ku soo barbaaray miyiga, wuxuuna sheegay in 1940-kii loo doortay caaqilnimada beeshiisa, iyadoo xilligaas qofka caaqilka loo dooranayo dhinacyo badan laga eegi jiray sida kartidiisa iyo nabaddoonimadiisa.

Mar uu ka hadlay sababta loogu bixiyey naaneysta ‘Waraabe’ ayaa waxa uu sheegay in isagoo kuray ah oo geel la jooga geelii laga dhacay, dabadeedna uu ka hadhi waayey raggii geela ka dhacay ilaa markii dambe uu ka soo dhiciyey iyagoo markii ay ka yaabeen hal adaygiisana ku yidhi waar kani waa ‘Waraabe’.

Sidoo kale, waxyaabaha lagu xasuusto taariikhda Xaaji Cabdi-Waraabe ee caanka noqday looguna aqoonsaday inuu ahaa nin nabadeed waxaanu ka mid ahaa isagoo dhallinyaro ah rag ay tol ahaayeen ku tirtirsiyeen inuu u soo aaro Aabihii oo ninkii dilay uu isaguna soo dilo. Waxa markii la diray la socday nin kale oo ay ilmaadeer yihiin oo la doonayey inuu hawshaa la soo fuliyo.

Cabdi-Waraabe iyo ninkii la socday ayaa iyagoo qori sita waxay martiyeen ninkii ay doonayeen in ay qudha ka jaraan.

Ninka ay maaganaayeen markaa ma garanayn, hase yeeshee markii ay martiyeen si gobannimo leh ayuu u sooryeeyey oo u soo dhaweeyey. Markii uu u loogay ee ay raashinkii cuneen ayaa waxa isa soo qabsaday roob weyn oo mahiigaan ah, Ninkii ay martida u ahaayeen ayaa aqalkii ubadkiisu ku jireen geliyey oo meel uga banneeyey. Roobkii oo da’aya ayey is wareystaan, balse mar dambe ayaa aqalkii ku darrooray, markaas ayaa ninkii saan ay carruurtiisu ku hurdeen intuu ka toosiyey raggii martida u ahaa uga dhigay darroorintii.

Roobkii markii uu qaaday ee uu waagiina beryey ee ay quraacdeen oo ay doonayeen inay ka tagaan ayaa ninkii la socday Cabdi-Waraabe ku boorriyay inuu ninka toogto oo Aabihii u aaro, waxase lama filaan ku noqotay jawaabtii Cabdi-Waraabe ee uu ugu hal celiyey, “Ma ninka in tiix biyo ahi i gaadho ii quudhi waayey ayaan xabad u quudhaa?”.

Go’aankaas uu qaatay Cabdi-Waraabe ayaa horseeday in sidaas gabadh lagu siiyo reerkii ay colaaddu ka dhaxeysayna ay sidaas ku heshiiyaan.

Waxayna arrintaas u suurto galisay in isagoo yar uu beeshiisa caaqil u noqdo, iyo inuu hormuud u noqdo dadka nabadda ka shaqeeya.

Marxuum Cabdi-Waraabe ayaa intii uu noolaa BBC-da u sheegay inuu lasoo shaqeeyey madaxdii soo martay Jahuuriyadda Soomaaliya ee ay ugu horreeyey Aadan Cabdille Cismaan, Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Maxamed Siyaad Barre.

Somaliland ayuu sidoo kale lasoo shaqeeyey madaxweynayaashii soo maray ee kala Cabdiraxmaan Tuur, Maxamed Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Siilaanyo iyo madaxweynaha haatan talada haya ee Muuse Biixi Cabdi.

Marxuum Xaaji Cabdi-Waraabe waxyaabaha kale ee lagu xasuusto waxa ka mid ahaa inuu aad iyo aad u hadal caddaa oo uu go’aan qaadasho lahaa”.

Ugu dambayntii, Warbaahinta Himilo Media Group waxay ALLE uga baryayaan inuu naxariistii jannatul fardowsa uu ugu deeqo, samir iyo iimaan saadiq ahna uu ka siiyo Qoyskii, Ehelkii, Jaarkii iyo guud ahaan Bulshada Reer Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), AAMIIN…AAMIIN…AAMIIN.