Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Halista Shilalka Gaadiidka & Amaro Uu Faray Masuuliyiinta Ku Shaqada Leh

0
813

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay halista shilalka Gaadiidku ay u geystaan dadka reer Somaliland Maal iyo Naf ba, isla markaana waxa uu masuuliyiinta dawladda ee u xil saaray Gaadiidka iyo Wado marista.

Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo nuxurkiisu ahaa dareenka Madaxweynaha ee shil baabuur oo sababay dhimashada toddoba ruux (7 qof) kuna dhaawacmeen afar ruux, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah Bas rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Dalmar iyo gaadhi weyn oo ah nooca loo yaqaano candha-maydle. Shilkaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafa-ruug iyo xamaas ee gobolka saaxil maanta oo ay taariikhdu tahay 07-05-2019.

Haddaba, War-saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:-

 

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee dhammaan Marxuumiinta ku geeriyooday shil baabuur oo sababay dhimashada toddoba ruux (7 qof) kuna dhaawacmeen afar ruux, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah Bas rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Dalmar iyo gaadhi weyn oo ah nooca loo yaqaano candha-maydle. Shilkaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafa-ruug iyo xamaas ee gobolka saaxil maanta oo ay taariikhdu tahay 07-05-2019.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ku adkeynayaa mulkiilayaasha gaadiidka, shirkadaha gaadiidka ee gobollada isaga goosha, iyo wadayaasha gaadiidku inay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka iyo waddo-marista muujiyaana masuuliyada nafaha muwaadiniinta ay qaadaan iyo ilaalinta maalka gaadiidka.

Madaxweynuhu wuxuu wax laga damqado ku tilmamay halista iyo khataraha soo noq-noqday ee shilalka gaadiidku sababeen oo khasaare naf iyo maalba leh u geystay muwaadiniinta Jamhuriyada Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu farrayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, taliyaha ciidanka Booliska iyo laanta nabad-gelyada waddooyinka inay fuliyaan awaamiirta iyo sharciga gaadiidka iyo wadidooda, isla markaana waajibaadkooda ka gutaan cid kasta oo baalmarsan shuruucda wadida gaadiidka iyo masuuliyada saaran.

Madaxweynuhu wuxuu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxaeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Inta dhaawaca ahna caafimaad sareecana siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.