Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Hay’aduhu Dalka Kala Qaybiyeen Oo Midabo U Kala Sameeyeen Gobollada

0
889

Xukuumadda Somaliland ayaa bulshada ku war galisay in hay’adaha dalka ka hawlgalaa ay deegaanada dalka u kala qaybiyeen saddex midab oo kala duwan.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee JSL mar uu hadal ka jeediyey hadhimo sharafeed lagu maamuusay Madax-dhaqameed ka socotay Gobolka Sanaag.

Haddaba, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo arrintaasi faahfaahin ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi, “Anigu, immika waxaan ahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, markay Qolada Ajanabiga ahi yimaadaan ee aan idhaa waxaad doonaysaan inaad tegtaan Laascaanood iyo Ceerigaabo, war-wareeg faro badan ayey ka hadlaan oo ah nabadgelyo darro, maxay rabaan waa subaxdii Hargeysa ayey ka shaqo tegaan oo Borama ayey u shaqo tegaan oo way seexdaan oo markay shaqadooda dhameystaan ayey ka yimaadaan”.

Wasiirku waxa uu iftiimiyey Qaabka ay dalka u kala qaybiyeen Hay’aduhu iyo midabada ay u kala sameeyeen, “Saddex meelood ayey dalka u kala qaybiyeen oo kala ah midabada Cagaar, Casaan, Hurruud”. Wasiirka oo midabadaasi sii sharraxaya waxa uu yidhi, “Cagaarka, waxay u yaqaanaan waa nabadgelyo oo waad tegi kartaa oo aad seexan kartaa oo maalgelin ayaad ku sameyn kartaa, Hurruuda na waxay u yaqaanaan waad tegi kartaa oo waad ka soo shaqeyn kartaa oo ma seexan kartid, Casaanka waxay u yaqaanaan ma tegi kartid oo waxba kama fulin kartid, waxba kama sameyn kartid”.

Intaasi kadibna, Wasiirku waxa uu madax-dhaqameedka Sanaag Bari tilmaamo ka siiyey nabadgelyo darradu saameynta ay ku leedahay horumarka,“Tusaale yar ayaan idin siinayaa oo waa tan dhulkan Sanaag Bari iyo guud ahaan Sanaag oo laga bilaabo Caynabo biyaheedu inta badan waa qadhaadh oo Ceel-Af-Weyn ayaa ceelal badan laga qoday, waxaana loo doonay in biyaha looga soo qaado meel la yidhaa Ilad oo 42km u jirta, mashruucii markii la sahamiyey ee la dhameeyey ee biyihii la qiyaasay inay deegaankaasi Iladeed oo beeralay ah iyo ilaa Ceel-Af-weyn inay ku filan yihiin oo beeb laynka halkii la soo dhigayey ay keeneen ayaa Ceel-af-weyn laysku dilay, markaa saddex jeer ayuu mashruucaasi imika gubtay, waayo mashruuc walba xilligii la doonayey in la bilaabo haddii uu socon waayo wuu gubanayaa, waayo waa qaadhaan ay dawlado bixiyeen oo ay ururiyeen oo ay eegtaan, markaa waxa qudha ee aynu u baahanahay waa si walba waxeenu way inoo gaadhaan oo dad badan oo mashaariic fara badan inoo haya ayaa jira oo waxa qudha ee aynu u baahanahay waa Nabadgelyada”. Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha