Hooyo Qudha Ka Jartay Wiilkeedii Oo 14jir Ah & Sababta Ku Keliftay !

0
1163

Dhacdo aad u naxdin badan ayaa waxay ka dhacday Dalka Masar, kadib markii Hooyo dalkaasi u dhalatay ay qudha ka jartay wiil ay dhashay.

Hooyadan ayaa waxa ay wiilkeeda ku dilaysay inuu adeeci waayey isla markaana uu diiday inuu casharadiisa akhristo, hooyadan ayaa waxay la kulantay wiilkeedaasi oo la dagaalamayey Walaashii oo ay mataano ahaayeen intaasi ayaanay hooyadaasi wiilkeedii u gelisay mindi ay gacanta ku haysatay.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Magaalo madaxda Dalkaasi ee Qaahira gaar ahaan xaafada Al-sharqia ee waqooyiga magaaladaasi waxaana wiilkaasi yar ay da’diisu aheyd 14jir, waxa aanu dhiganayey dugsiga dhexe gaar ahaan fasalka sideedaad hooyada dhashay wiilkan yar ayaa waxa loola carraray dhakhtar u dhawaa, balse waxa uu geeriyooday markii dhakhtarkaasi uu gaadhay.

Hooyada dhashay wiilkan yar ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Jamiila waxaanay Ciidanka Bileysku sheegeen inay haatan gacanta ku hayaan isla markaana ay wadaan baadhitaano la xidhiidha sidii ay dhacdadaasi u dhacday.