Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay in go.aamadii ay shalay arimaha doorashooyinka ka soo saareen xisbiyada UCID iyo KULMIYE uu ka danbeeyey dalka Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in arimaha doorashooyinka faro galin qaaqan ku hayo .

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab waxuu cadeeyey in Go.aankan Madaxweyne Biixi Looga soo dhiibay dalka Imaaraadka oo uu dhawaan safar ku tagay

Xisbigu waxuu cadeeyey in aanay suurto gal noqon karin in doorasho uu Xisbiga Waddani ka maqan yahay dalka ka dhacdo , waxaana ay ku hanjabeen cawaaqib arintaasi ka dhalan karta .