Gudoomiyaha Maxkamada gobalka Maroodi Jeex ayaa waxaa uu maanta diiday dalab ay soo hor dhigeen ciidanka Booliska oo maxkamada hor keenay Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon .

Ciidanka Booliska ayaa Maxkamada ka dalbadey 7 cisho oo rumaan ah balse Maxkamada ayaa diiday isla markaana amartey in C/maalik lagu celiyo goobtii laga soo qabtey ee Burco  isla markaana maxkamadaha Burco la hor geeyo

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Maroodi Jeex ayaa cadeeyey in maxkamada gobalku aaney marnaba bixin amarka qabashada Cabdimaalik Coldoon