Faramajo Oo Shir Ugu Baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Iyo Fadeexad Culus Oo Kasoo Wajahday

0
889

Faramajo Oo Shir Ugu Baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Iyo Fadeexad Culus Oo Kasoo Wajahday

Shir ay iskugu iman lahaayeen madaxweynaha soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada soomaaliya ayaa u muuqda inuu markale dib u dhacay.

Shirkan oo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ayaa qorshihiisu ahaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 19/04/2019, isla markaana lagu soo casuumay madaxda maamul goboleedyada soomaaliya ayaa dib u dhacay iyada oo aanay jirin shir furmayo iyo madax soo gaadhay caasimada.

 

 

Sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay arinta baaqashada shirkan ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyadda ay diideen inay ka qeyb galaan shirka sababo kala duwan awgood.

Madaxda Maamul goboleedyadda Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, iyagoo halkaas kulamo ka dhan ah dowlada federaalka kula leh qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa horey shuruud ugu xiray inuu ka qeyb galo Shirka, waxaana Galmudug ay sheegtay in marka hore loo fasaxo dhaqaalaha ay ka xanibtay dowlada, lana fuliyo heshiisyaddii lagu gaaray Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale diiday in shirka Garowe lagu qabto Muqdisho Maadaama horay uu ballanku ahaa in lagu qabto Garowe sida uu iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo.