Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Inay Mallaayiin Dollar Galinayso Xarunta Gobolka Sool

0
810
HALKAN KA AKHRISO: Nuxurka Kulan Balaadhan Oo Habeenimadii Xalay Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Isimada Dhaqanka Ee Gobolka Sool
HALKAN KA AKHRISO: Nuxurka Kulan Balaadhan Oo Habeenimadii Xalay Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Isimada Dhaqanka Ee Gobolka Sool

“Xukuumad Ahaan Waxaan Ku Dhawaaqayaa In Degmada Laascaanood La Gelin Doono Lacag Hordhac Ah Oo Aanu Uga Qorshaynay…”-Wasiirka Biyaha

Laascaanood, 18 Apr, 2019 (Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in lacag hordhac ah oo dhan shan milyan oo dollar ay galinayso Magaalo madaxda Gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Mudane Saleebaan Cali Koore iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, isla markaana waxa si diiran ah weftiga ugu soo dhaweeyey Maamul heer Gobol, Degmo iyo Dadweyne kale oo tiro badan.

Ugu horreyna, Wasiirku Biyaha ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Sool iyo guud ahaan dadweynaha soo dhaweynta baaxada leh ee uu kala kulmay Reer Sool waxaanu yidhi, “Bulsho weynta Gobolka Sool waxaan uga mahadnaqayaa sida diiran ee sharafta, milgaha iyo kalgacalka leh ee ay noo soo dhaweeyeen, waxaanay na tusaysaa in Dadka iyo Ummadda aanu ka soo jeednaa ay yihiin dad sharaf leh”.

Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore waxa uu ku dhawaaqay qorshe dhaqaale oo Xukuumaddu ugu talo gashay inay wax kaga qabato Gobolka Sool, “Xukuumad ahaan waxaan ku dhawaaqayaa oo aan idiin sheegayaa in degmada Laascaanood la gelin doono lacag hordhac ah oo aanu uga qorshaynay Sanduuqa horumarinta ee SDF, lacagtaasoo gaadhaysa ilaa shan milyan oo dollar”. Koore waxa uu intaasi ku daray, “Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday in lacagtaasi baahideeda la sii wadi doono ilaa inta Reer Laascaanood ay biyo ku filan