Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Ka Hadlay Dhulka La Doonayo In Laga Dhiso Madaxtooyada & Dareenka Mulkiilaha Dhulkaasi

0
897

Masuuliyiin ka kala tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa si adag uga hadlay dhulka la doonayo in laga dhiso Madaxtooyo, isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi uga digay in Muwaadinka dhulkaasi leh uu sifo sharci darro ah kaga qaado.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay dhulka la doonayo in laga dhiso Madaxtooyada, waxaanu tilmaamay in Madaxweynaha looga baahan yahay in aanu dulmiyin Muwaadinka dhulkaasi leh ee uu ku wajaho sifo sharciga waafaqsan.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa shalay isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu ugu horreyn tilmaamay dhibaatada ay caddaalad darradu leedahay, waxaanu yidhi “Annaga oo runtii hore uga hadalnay oo sheegnay Caddaalad darrada uu Qof ku kaco inay tahay xukuumadda markaa dalka hoggaaminaysaa inay qofkaasi ka qabato dulmiga, hase yeeshee maanta waxa taagan mid ay xukuumadda laftigeedii oo hoggaankii ugu sareeyey uu ku kacay oo waad arkaysaan ina Xasan-dalab qaylada ka baxaysa Carruurtiisii, Hooyooyinkii iyo Odayaashiisii, waana dhibaato runtii ay aheyd in aanay kor u soo bixin ee ay tahay xaqoodii oo la duudsiyayo oo xoog lagaga qaadayo oo xukuumaddu u badheedhay oo ay iska qaban la’dahay”. Ramaax waxaanu intaasi uu ku daray, “Xukunkii ayuu haystaa, wuxuu xaq u leeyahay xukuumaddu haddii ay u baahato dhul way la wareegi kartaa, laakiin waa in wixiisii loo celiyaa oo wada xaajood iyo qancin la qanciyey timaadaa”. Ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax)

Dhinaca kalena, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa isaguna dorraad ka hadlay cabashada dadka leh dhulka la doonayo in laga dhiso Madaxtooyo waxaanu yidhi, “Hablo ka hadlayey dhulkoodii oo laga qaaday oo Reer Xasan-dalab oo Madaxweynuhu u badheedhay waxaanu leenahay Madaxweyne Ummaddu waa kuwii ku doortay oo waa dadkaagii oo wixii aynu ku ridnay Afweyne ee xunyahaw xunku dhalay hanagu qabanin ee carruurtaa iyo dhulkooga faraha uga qaad ayaanu ku leenahay”. Xildhibaan Nacnac waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Ina Xasan-dalab Mujaahid ayuu ahaa oo xilligii SNM waxa uu ka mid ahaa dadka ugu taajirsan Hargeysa, waanu ka baxay oo waxa uu xoolihiisii u geeyey Jabhadii, waanu u haynaa oo aanu u ognahay abaalkaasi, balse iyadoo kuwii jabhada ahaa ba aanay ciddi waxba u qaban oo ay iyaga iyo dadkoogii ba bakhtiyayaan wallow xilligii Madaxweyne Silaanyo oo keliya wax yar loo qaban jiray”. Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)