Xisbiga UCID Oo Si Ba’an U Dhaliilay Socdaalkii Madaxweynaha Ee Berbera, Bulshadana Uga Digay Inay Saamiyo Lacageed Ku Darsadaan Shirkada Sifeynta Baatroolka

0
862

“Waa Nasiib Darro In Madaxweyne Halkaa Iska Qaad-Qaado Oo Uu Yidhaa Mashaariic Waaweyn Ayaan Furayaa…”-Ramaax

Hargeysa, 18 Apr, 2019 (Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa si adag u dhaliilay socdaalkii Madaxweynaha Somaliland iyo hawlihii uu ka fuliyey Berbera, gaar ahaan qiimaha iyo awooda labadii wiish ee ay Dekeda Berbera Dp-World u keentay, iyo sinnaan la’aan uu ku sheegay in loo bixiyo mashaariicda ka soo baxda dekeda, waxaanu bulshada uga digay inay saamiyo lacageed ku darsato wershada sifeynta Baatroolka.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xisbiga ee Magaalada Hargeysa, waxa uu ugu horreyn ku naqdiyey socdaalkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu toddobaadkan ku tagay Magaalada Berbera iyo mashaariicdii uu ka soo fuliyey waxaanu yidhi, “Waa nasiib darro in maanta Madaxweyne halkaa iska qaad-qaado oo uu yidhaa mashaariic waaweyn ayaan furayaa ama laba wiish oo midkiiba hal koontiinar qaadi kara oo aan ahayn qiimaha lagu sheegayo oo shirkadi keensatay”. Ramaax waxa uu intaasi ku daray in labadaasi wiish qiimaha iyo awooda lagu sheegay aanay lahayn, “Waxa dorraad oo ugu dambaysay ka dhacay Berbera in laga soo kireeyey Burco Wiish shirkad yar oo laydh leedahay reer Saaxiloow, Ganacsatooy waad ka war haysaan in Bedder laga soo kireeyey cagaftii laga rogayey dekedda, maxay u rogi waayeen wiishashkani, maaha in ummadda been loo sheego”.

Sidoo kale, Ramaax waxa uu ka hadlay mashaariicda kale ee Madaxweynuhu ka fuliyey isla magaaladaasi Berbera, “Madaxweynuhu, waxa uu dib u furay Cabdalla Stadium oo Madaxweyne Silaanyo uu furay 2011-kii,

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Ucid waxa kale oo uu si ba’an u dhaliilay caddaaladda iyo sharcinimada mashaariicda ka soo baxda shirkadda Dp-world, “Dp-world waan soo dhaweynaynaa oo waa inay qabato wixii ay ummadda ugu ballanqaaday, waxaana iyaduna nasiib darro ah oo aan ummadda reer Somaliland dareensiinayaa mashaariicdii ka soo bixi laheyd ama shirkadaasi qaabkii ay shaqada u beddeshay mashaariic ayaa ka soo dhex baxday looma sinna oo lama soo mariyo Guddida Qandaraasyada Qaranka, mashaariicdaa dadka la siiyey xafiis kuma laha Berbera”.

Sidoo kale, Ramaax waxa uu ka digay jiritaanka iyo in saami lacageed bulshadu ku darsato wershada sifeynta shidaalka ee dhawaan lagaga dhawaaqay Berbera, “Wershada la leeyahay Baatrool ayey sifeynaysaa, innaga oo Gaas iyo Baatrool soo saarin, shirkadda ku qorana nin waliba dib ha u millicsado Google-ka oo marka aad magaceeda galiso xilliga la aasaasay iyo waxay qabato, markaa waxaanu leenahay cidayna Sheer ha iskaga darin waa la waayi doonaa oo waxaasi sal iyo raad toona malaha”.

Ugu dambayntiina, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Ucid waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay ku guul darraysatay xakamaynta sicir barrarka, “Sidii ay hore ugu guul darraysatay inay xakameyso sarrifka ayey maantana ugu guul darraysatay inay xakameyso baddeecada qiimaheeda oo xataa ilaa hadda ma hayno cid ka hadlaysa, waxaana dhaliishaasi leh Wasaaradda u xil saaran Xukuumadda”. Ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax)