Ilma Yar Oo Carabka Qayb Ka Mid Ah Laga Gooyey Markii Uu Dhashay Iyo Sababta Keentay !

0
984

Ilma yar oo jira sanad iyo badh ayaa waxa lagu sameeyey qaliin dhif iyo naadir ah isla markaana aad u adag.

Qaliinkan ayaa waxa wiilkaasi yar lagaga jaray qayb wayn oo ka mid ah carabkiisa, sababta qaliinka noocani ah loogu fuliyey wiilkani ayaa waxay tahay in marka uu weynaado hadalka awoodo iyo sidoo kale inuu cuntada cuni karo.

Sida lagu baahiyey Wargeyska Miror ee ka soo baxa Dalka Britain oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa lagu sheegay in wiilkan yari uu u dhashay Dalka Maraykanka waxa aanu ku dhashay Carab aad u weyn oo xataa ka weyn Carabka caadiga ah ee qofka qaangaadhka ah.

Wiilkan ayaa waxa haatan la barayaa sidii uu ula qabsan lahaa hadalka iyo sidoo kale wax cunista waxa aanay hooyada dhashay wiilkan yari ay sheegtay in gabi ahaan ba qaabkii uu u eekaa wiilkan yari isbeddalay, arrintan ayaa aad ugu yar dadka dhexdooda waxaana ku dhashay carabkaasi aadka u weyn dad aad u tiro yar.