Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Dhegaha Uga Furaystay Cabashada Siyaasiga Ah Ee Haweenka Somaliland??

0
704

Mar kasta oo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi isku shaandhayn ku sameeyo masuuliyiinta xukuumaddiisa ama soo kordhiyo xilal cusub waxay bus kicisa dareenka haweenka ee ku aaddan ka qayb galka siyaasadda kuwaas oo marka ay iska dhex waayaan dareen diidmo ah ku muujiya baraha bulshada.

Xarunta daraasaadka siyaasadda ee Center For Policy Analysis (CPA) ayaa warbixin ay diyaarisay waxay xustay in golaha wasiirrada Somaliland oo dhan 32 wasiir ay ku jiraan kaliya 3 dumar ah. Sida oo kale ma jirto haweenay kaliya oo madax ka ah hay’adaha madax bannaan ee dawladda. Waxa kale oo aan jirin gobol kaliya oo haweenay badhasaab ka tahay.

CPA ayaa kadib isku shaandhayntii dorraad ee madaxweyne Biixi waxay tilmaantay in Dastuurka Somaliland dammaanad qaaday in haweenka la dooran karo lana magacaabi karo meeshana ka saaray kala sarayn jinsi ku dhisan. Sidaas awgeedna ay tahay in la aqbalo in haweenku siyaasadda ka qayb galo.