Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Geelle Oo La Dhex-galay Iyo Cidda Dhexdhexaadinaysa

0
849

Qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland ayaa isu xilqaamay dejinta xiisadda soo kala dhex gashay ganacsade Axmed Cismaan Geelle Arab iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ganacsatada ayaa kulan la qaatay madaxweyne Biixi kana dhegaystay warbixin ku saabsan xiisadda muddooyinkii u dambeeyay cirka isku shareertay kadibna waxay kula la qaateen Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ay isna xog waraysteen.

Wararku waxa ay sheegayaan labada dhinacba waxay ganacsatada siiyeen kalsoonida dejinta arrintan waxaanay ku guulaysteen hakinta hadallo kulul oo hore ay saxaafadda isugu mariyeen.

Lama oga in dhexdhexaadinta ganacsatadu gaadhi doono ilaa dawladda Jabuuti oo khilaaf ka dhexeeyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo in ay ku eekaan doonto dejinta xiisaddan ee gudaha Somaliland oo todobaadadii u dambeeyay si weyn loo dareemay.