Gobollada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Diidmo Ka Muujiyey Qaab Dhismeedka Cusub Ee Xisbiga Iyo Sababta Keentay

0
868

Gobollada deegaanka Soomaalida Itoobiya qaarkood ayaa lagu soo warramayaa inay ka biyo diidsan yihiin qaab dhismeedka cusub ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida (SDM).

Waxayna shacabka gobollada ka cabanayaan in aaney ku qanacsaneen qaab dhismeedka xisbiga gaar ahaanna inaan lagu soo darin guddiga fulinta waxayna sameeyeen mudaharaadyo nabadeed.

Gobollada ay shacbkoodu ka mudaharaadayaan qaab dhismeedka xisbiga ayaa waxay kala yihiin Gobollada Afdheer, Godey, Daawa, Dollo iyo Nogob.

Haddaba, idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaliga oo la xidhiidhtay Madaxa Xaruunta dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Enginer Maxamed Shaalle ayaa waxay weydiisay shacabka waxay ka cabanayaan, waxaanu uu ku jawaabay, “In ay cabashadu jirto balse xisbiga qaab dhismeedka cusub uu yeeshay uu ku yimid go’aanka ka soo baxay Ergo ay tiradooda kor u dhaafeyso 2,900 oo laga soo kala xulay dhammaan gobollada degaanka”. Waxaanu uu intaasi uu ku daray, “Inta aan qaab dhismeedka xisbiga la guda gelin waxa tashi saddex maalmood ah qaatay lala sameeyey Ergo ka badan 2,900 ergay oo gobollada uu deegaanka Soomaalida ka kooban yahay laga soo kala xulay (Gobo, Degmo, Ismaamul magaalo ilaa heer tuulo, Ergada markay dood dheer sameeyeen kaddib waxay go’aamiyeen in xubnaha guddiga fulinta 9 xubnood laga dhigo isla-markaana lagu soo doorto Aqoontooda, Khibraddooda iyo Sida ay Soomaali wax ugu qaban karaan”. Ayuu yidhi Enginer Maxamed Shaalle.

Shaalle waxa kale oo uu tilmaamay habka loo raacay xulista, “Waxayna Ergda go’aamiyeen xisbiga uu raacay inaan Qabiil iyo Gobol midna lagu soo xulin, Golaha dhexe oo ay Ergada soo doorteenna waxay doonteen 9-ka xubnood ee guddiga fulinta ee Xisbiga hoggaaminaya”.

Sidoo kale, waxa uu sheegay, “Xubnaha ergooyinka waxa laga soo xushay dhammaan deegaanka ergo ka badan 2,900, kuwaasoo ah xubnaha xisbiga. Markay shuruudaha ansixiyeen kadibna xubnaha ergooyinka codka leh oo dhamaa 936 ayaa ansixiyey shuruuudaha lagu soo xulanaya golaha dhexe iyo tiradoodaba, waxaanay ansixiyeen 61 xubnood oo noqonaya xubnaha cusub ee golaha dhexe oo dhammaan qabaa’illada deegaanka lagu salleeyey”.

Ugu dambayntiina, Md Shaalle waxa uu soo bandhigay sida ay xubnahan loo doortay iyo tirada iyo magacyada xubnahaasi, “61 xubnood ee loo doortay golaha dhexe ee xisbiga waxay iska dhex doorteen 9 xubnood oo guddi fulin ah oo ay ku soo xuleen shuruudihi seddexda ahaa ee ay ergada dejiyeen. Iyada oo aan loo eegin qabiil inkastoo ay ka dhex muuqdeen dhammaan gobollada.”

Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga 9 xubnood ayey iska sii dhex doorteen.

Haddaba 9-kaasi xubnood ee guddiga fulinta Xisbiga Dimuqraadiga Soomalida ee dalka Itoobiya loo doortay magacdooda xilalka loo doortay iyo gobollada ay ka soo jeedaan waa kuwan ee halkan ka akhriso.

Magaca Xubinka Xilka loo doortay Gobolka uu ka soo jeedo

Axmed Shide Guddoomiye Liibaan

Mustafe Cagjar ku xigeen Jarar

Adan Faarax Xubin Siti

Maxamed Shaale Xubin Liibaan

Mubashir Dubad Xubin Faafan

Maxamed Faatax Xubin Qorraxeey

C/raxmaan Ciid Xubin Jarar

C/raxmaan Hurre Xubin Qorraxeey

Mudane Cabdicaadil Xasan Xubin Erer

9-ka Xubnood ee Guddiga Fulinta Xisbiga loo doortay Xisbiga qaab dhismeedkiisi hore siduu ahaa Golaha dhexe 47 xubnood ayey ahaan jireen, Guddiga fulinta 15 xubnood inkasta oo tirda guddiga ay marna ahayd 11 xubnood.

Xisbiga jawaab noocee ah ayuu u hayaa Shacabka Gobollada Cabanaya Madaxa Xaruunta dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Enginer Maxamed Shaalle oo ay BBC su’aashaasi weydiisay wuxuu ku jawaabay “jawaabta xisbiga uu hayo iney tahay xisbigu wax ay shacabku raalli ka ahayn ma sameeynin, qabiilna waa laga gudbay waxaana xisbiga lagu dhisay go’aanka ay shacabka deegaanka diyaariyeen iyo suruucdii ay dajiyeen.

“Waxa loo baahan yahay ayuu yidhi shacabku iney isdejiyaan xisbigoodana ay garab galaan, haddii ay si ay daacadnimo ku jirta ay xubnaha guddiga fulinta ku jirta u eegaanna waxay ogaanayaan inuu jirin gobol ka maqan qaab dhismeedka”.

Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya wuxuu dadaal ugu jiraa sidi bah wadaagnimada EPRDF uu uga bixi lahaa uu u noqon lahaa Xubna ka tirsan xisbiga Talada dalka Itoobiya haya oo ay horay uga tirsanaayeen Xisbiyada Oromada, Amxaarada, Shucuubta Koonfureed iyo Tigreeda.