Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Ucid Iyo Waddani Oo Si Adag Uga Hadlay Muranka Maaliyadeed Ee Ganacsadaha Iyo Baanka Faransiiska Iyo Dawladda Jabuuti

0
872

Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee kala ah Ucid iyo Waddani ayaa shalay si adag uga hadlay Muranka Maaliyadeed ee u dhexeeya Ganasade Axmed Cismaan Geele oo u dhashay Somaliland iyo Dawladda Jabuuti iyo waliba Baanka BCIMR oo laga leeyahay dalka Faransiiska oo maalmihii u danbeeyey si weyn looga hadal hayey dalka gudihiisa.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Md Faysal Cali Waraabe oo shalay u warramay HCTV ayaa ugu horreyn ka hadlay sida uu u arko muranka maaliyadeed ee u dhexeeya Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Baanka Faransiiska laga leeyahay iyo waliba Dawladda Jabuuti waxaanu yidhi,  “Axmed Cismaan Geelle waa nin caan ah oo laba dhalasho sita, markaa qadiyadiisu waxay u eeg tahay laba mid uun, isagu waxa uu leeyhaay anigu waan dulmanahay oo xoolahaygii aniga oo maqan ayaa inta waaran lay soo jaray ayaa markii aan iman waayey waxaygii lala wareegay, midda kalena waxa weeyi Baan Faransiis ah ayaa u sheeganaya deyn, markaa labadaasi arrimood hala kala qaado”.

Gudoomiye Faysal waxa uu ugu horreyn ka hadlay hantida ganacsade Axmed Cismaan Geele ee Jabuuti lagula wareegay, “Xoolihiisa lala wareegay inkasta oo uu reer Djibouti yahay haddana waa Nin reer Somaliland ahe xaq waxaynu u leenahay in dawlada Djibouti loo tago oo wixii ku kala maqan la dhex dhexaadiyo oo aan la dulmin oo aan dawladnimo loo sheegane, waxaanu xaq u leeyahay waa in wixii lagu leeyahay laga qaadaa wixiisana la siiyaa, laakiin in madaxnimo iyo dawladnimo loo isticmaalo waa inagu ceeb, inagana masuuliyad ayaa inaga saaran”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu ka hadlay deynta baanka Faransiiska ahi u sheeganayo ganacsadahani, “Baanka Faransiiska ah waxaan leenahay maadaama oo aanay na khusayn go’aanka ka soo baxa maxkamad kale, waddankayagu waxa uu leeyahay maxkamado xaqna waxaad u leedihiin inaad diwaangashataan kiiska oo isaguna uu diyaarsado ciddii difaacaysay, waana in kiiskaasi lagu qaado dalka Somaliland si cadaalad ah, laakiin maaha in go’aan maxkamad kale soo goysay la fuliyo”. Faysal waxa uu intaasi uu ku daray, “Waan la hadlay Guddoomiyihii Maxkamadda, Wasiirkii Arrimaha Gudaha, markaa wax la qabanayo iyo waaran go’an oo Axmed Geele loo gooyey ma jiro”.

Faysal Cali Waraabe oo la weydiiyey in loo baahan yahay in maxkamad caalami ah laysla tago maadaama oo uu ganacsaduhu sheeganayo hanti isna loo sheeganayo, ayaa waxa uu ku jawaabay “Maxkamad caalami ahi ma jirto, Ninkani waa reer Somaliland baanka wax ka dhaxeeyaan iyo Djibouti waa kala jaad, baanka iyo isagu way xisaabtamayaan oo waxbaa laga rahmay oo daaro laga rahmay oo baanka ayaa gacanta ku haya rahmaadaasi, markaa waa in kiiska la gala oo si sharci ah loo gala, tan kale waxa weeye waa loo xoog sheegtay waana sidii loogu xoog sheegtay DP World oo hadhcad waxoodii lala wareegay, markaa nimankani qaar daahaya maaha oo Axmed Cismaan Geelle-na way laalaadsadeen laakiin taasi socon mayso oo in nin reer Somaliland ah xoolihiisa layska qaataa inaga ayey ceeb inagu tahay, markaa waa in si Somalilandnimo ah loo galaa oo odayga loo tagaa laguna yidhaa ma magac dawladeed ayeynu isku dhacnaa, ilaa halkaa haddii uu ina gaadhsiiyo ina Cumar Geelle waxba ma nihin”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid

Dhinaca kalena, Xisbiga Waddani ayaa isla shalay ka hadlay muranka maaliyadeed ee u dhaxeeya Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Baanka Faransiiska.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Md Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde ayaa ugu horreyn iftiimiyey shaqsiyada Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo kaalinta uu Somaliland kaga jiro, waxaanu yidhi “Xisbi ahaan waxa noo suurto gashay in aanu la kulano ganacsadaha oo xog buuxda ka soo qaadano, arrinta hadda taagani waxa weeyi Ninkani waa nin muwaadin Somaliland ah, mana aha nin dadkan iyo dalkan laga xigo, waana malgashadaha ugu weyn ee dalkan maalgaliyey, waana ninka keenay Coca-cola oo ah wershad labaatan milyan oo dollar ah oo halka ay maanta marayso la ogyahay oo dhawr boqol oo milyan lagu qiyaasayo”.

Xildhibaan Jirde waxa uu ku eedeeyey Xukuumadda Somaliland qaabka ay arrintaasi u wajahday, “Xukuumaddu Baanka Faransiiska iyo Dawladda Jabuuti ayey wakiil ka noqotay oo waxaan taariikhda la arag oo aan la maqal ayaa dhacay, Nimankii dhexdhexaadka noqon lahaa ee waliba muwaadinkan xaqiisa u dooni lahaa way xukumeen oo waliba Madaxweynaha ayaa xukumay, af-hayeenka Madaxtooyadu waxa uu ku hadlaa afka Madaxweynaha, wuu xukumay oo waxa uu yidhi waa tuug dambiile ah oo dal shisheeye soo dhacay oo halkan la soo galay, waxaanu ku eedeeyey inuu xasilooni daro dalka ka abuuray, iyo inuu ictiraafkii dib u dhigay oo uu wax u dhimay”. Xildhibaan Jirde waxaanu intaasi uu ku daray, “Madaxweynihii aynu dooranay inuu dal shisheeye waa Jabuuti ye aynu walaalo ama deris ahaane oo laba Qaran oo isku milma ma nihin oo waynu kala xadaysanahee, waxase dhacday in Madaxweynaha iyo Xukuumaddu wakiil u noqdeen dawladda Jabuuti, waana wax aad looga xumaado oo ummaddii kala qaybisay oo Qaranimadeenii shaki galisay, lagamana filayn inay xukuumaddu doorkaasi qaadato, waxayse aheyd inay door shariif ah qaadato oo dhexdhexaad, isku soo jiid ah, balse intiiba way ka gaabisay, maantana wax lagu aaminayo oo arrintaasi lagaga aaminayaa ma jirto, cid uga fadhida inay go’aan iyo tallaabo wanaagsan oo dhexdhexaad ah qaadataana ma jirto oo waa dhinac, nin dhinac ahina arrinta ma gali karo”.

Intaasi kadibna, Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde tilmaamay deynka u dhaxeeya Ganacsadaha iyo Baanka Faransiiska, “Waynu ognahay in aan Baan hawl yaraan lacag ku bixin, marka aad baan lacag ka qaadanayso waxa la dhigaa dammaanad rahan ah oo uu isagu soo qiimeeyo oo intii uu ku siinayey in ka badan ah, markaa hantidii ganacsadaha ee halkaa (Jabuuti) taalay inuu dhameystay iyo in kale waxay u taallaa Baanka iyo Ganacsadaha, balse Xukuumadda Somaliland meel ay ka soo gashaa ma jirto”.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu xusay hantida ganacsade Axmed Cismaan Geele kaga maqan dalkaasi Jabuuti, “Waa Nin muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo hantidiisu ay halkaasi taalo, markaa Madaxweynihii iyo Xukuumadiisu haddii ay wakiil ka noqdeen Jabuuti, dee taana Ganacsadaha Wakiil ha uga noqdo oo hantidiisa ha u dooneen oo dhexdhexaad haka galo oo haku yidhaa ninkan wax baa ka maqane ka daw baxa, mana aha  in la yidhaa ganacsadaha daw bax, waayo wuxuu sheeganayaa in boqol iyo labaatan iyo sideed milyan oo dollar ay kaga maqan yihiin Jabuuti, waxaanay aheyd inay Xukuumaddu ka hawlgasho arrintaasi”.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani waxa sheegay qaabka maxkamadaha Somaliland loo soo mariyey arrintaasi, “Qaabka maxkamadaheena loo soo mariyey ee ganacsaduhu kaga cawday, haddii dawladda Jabuuti go’aan maxkamadeed keentay waxay aheyd in ganacsadaha lala waddaago, balse lalama waddaagin ee hay’adihii oo dhan ayey soo martay oo waxay u timid maxkamadii racfaanka manuu ogeyn oo looma sheegin ee waxay aheyd in go’aan degdeg ah la gaadho oo la yidhaa arrintaadii waa la xayiray ee daw bax, markaa maanta arrintaa maxkamad Somaliland ah oo lagu aaminayaa ma jirto, go’aanka ay soo saartaana go’aan soconaya maaha, ninkanina wuu dhacan yahay dhac dushiina laguma garamo, dawladda Somaliland na waxaanu leenahay arrintaa waad ku ceebowday”.