Midawga Yurub Oo Somaliland U Sheegay In Aanay Dib Ula shaqayn Doonin Haddii Doorashada Wakiilladu Dib U Dhacdo

0
817

2-dii iyo 3-dii bishan April waxa Somaliland yimid wefti culus oo ka socda dalalka Somaliland taageera ee Midawga Yurub kuwaas oo siday farriin culus oo nuxurkeedu yahay in ay faraha kala bixi doonaan taageeradooda Somaliland maaddaama aan wax horumar ah laga samayn doorashooyinka qorshaysan dhammaadka sanadkan horena marar badan dib ugu dhacay.

 

Saddexdii bisha oo wali weftiga reer Yurub magaalada Hargeysa joogay waxa wada hadallo degdeg ah oo farriintan culus ka dhashay yeeshay saddexda xisbiga Qaran ee Somaliland laakiin, shalay wuxuu xisbiga WADDANI sheegay in kulamadaasi mar kale burbureen halka hoggaamiyaha xisbiga UCID sheegay in ay meel fiican marayaan wada hadalladu.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa daboolka ka qaaday mawqifka adag ee ay taaggan yihiin dalalka reer Galbeedka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland “Gaaladii waxay na yidhaahdeen ‘Waxan anagu bilaa sharciga ah inta ay fadhiyaan haddii aad doorasho qaban waydaan lacagna idin siin mayno dibna idiinla shaqayn mayno’ waa laga yaqyaqsoonaya markaas ayay iyaguna(Baarlamaanka/ Goleyaasha degaanka) leeyihiin nalama kala eryi karo, waddankani wuxuu u baahan yahay hoggaamin,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Geesta kale warmurtiyeed weftiga reer Yurub ka soo saaray safarkoodii ayaa ku qorna luuqad adag oo xooggeedu yahay heshiis la’aanta xisbiyada iyo in aan ilaa hadda wax u diyaar garow ah laga qaban doorashada muddaysan bisha 12-aad ee sanadkan “Weftigu wuxuu xusay walaaca uu ka qabo in aan wax horumar ah laga samayn u diyaar garowga doorashada oo ay igu wacan tahay khilaafka saddexda xisbi iyo in aan la meel marin sharciyada doorashooyinka,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka weftiga Yurub.

Waxa qoraalka lagu sheegay in weftigu Somaliland gaadhsiiyay sida ay uga shalaynayaan dib u dhacyada doorashooyinka iyo sumcad xumada ay gaadhsiin karto Somaliland dimuraaddiyaddeeda haddii doorashada soo socota dib u dhacdo sidaas awgeedna ay dhammaan dhinacyada ku boorriyeen in la dardar geliyo xallinta khilaafka iyo isu tanaasulka, golaha wakiilladuna dedejiyo meel marinta shuruucda doorashooyinka.

Fashilaadda wada hadallada
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee WADDANI Mudane Cabdiqaadir Jirde ayaa shir jaraa’id shalay ku sheegay in ay burbureen wada hadalkii bilawday saddexdii bishan “Aniga oo aan tafaasiil u galayn umadda waxaanu u sheegayna in arrintaasi natiijo la’aan ku dhammaatay oo wax ay saddexda xisbi isla qaateen si ay inoogu qabsoonto habsami u socodka doorashadu aan wax natiijo ah laga gaadhin, tafaasiisheeda iyo cidda eedda lehna war gaar ah ayaanu ka soo saari doona,” ayuu yidhi Mudane Jirde.

Geesta kale Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in wada hadalladu socdaan “Meel fiican bay noo marayaan (Wada hadalladu) ilaa Axadda waanu soo gabogabaynayna oo doorashadii way inoo dhacaysa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo shalay telefishanka Horn Cable la hadlayay.