Masuuliyiinta Cusub Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Xilkii Si Rasmi Ah Ula Wareegay

0
937

Madaxda cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah shalay xilalkii ugala wareegay masuuliyiintii hore ee Wasaaraddaas.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir-ku-xigeenka cusub Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Mukhtaar Maxamed Cali oo Madaxweynaha Somaliland uu xilalka u magacaabay 30kii bishii March 2019, ayaa Sabtidii shalay xilalkii ka tirsaday masuuliyiintii xilalkaas hore u hayey.

Xafladdii xil-wareejinta oo lagu qabtay  xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ee Caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda Somaliland, madax-dhaqameed, abwaanno, fannaaniin, masuuliyiin ka socotay xisbiga KULMIYE, shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Ugu horreyn, waxa halkaasi ka hadlay Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab) oo ku hadlayey Magaca shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, waxaannu  soo dhaweeyey masuuliyiinta cusub, halka shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta kula dardaarmay inay la shaqeeyaan masuuliyiinta cusub ee xilka la wareegay.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Agaasimaha Telefishanka Qaranka Mr. Maxamed Xasan Cali (Waji) oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in madaxdii Wasaaradda ee xilka wareejinaya ay shaqaalaha iyo madaxda Wasaaraddu ula soo shaqeeyeen si wanaagsan, isla markaana masuuliyiinta cusub ula shaqeyn doonaan si dhow.

Geesta  kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa ka warramay qiimaha Wasaaradani qaranka ugu fadhido iyo himilooyinka ay madaxda cusubi doonayaan inay ku shaqeeyaan muddada ay xilka hayaan.

Wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa ballanqaaday inay Shaqaalaha Wasaaradda ku dhaqi doonaan sinnaan iyo caddaalad.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay in muddadii sannadka iyo saddexda bilood ahayd ee uu Wasaaradda hoggaaminayey ay diyaariyeen xeerkii cusub ee Saxaafadda, kaasi oo uu tilmaamay inuu dhammaystiran yahay oo Khamiistii hore lagu waday inay hor geeyaan Golaha Wasiirrada Somaliland.

Waxa kaloo, uu xusay in barnaamijka “Kobci Garaadkaaga” ee ay soo kordhisay Wasaaraddu sannadkii hore uu ahaa mid bulshadu ku xidhan tahay oo xiise yeeshay, waxaanu ku baaqay in la sii ambo-qaado barnaamijkaasi.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay shaqada Wasaaradda Warfaafinta, maadaama uu muddo badan ahaa Maareeyaha Telefishanka qaranka Somaliland. Waxaannu ballanqaaday isaga iyo madaxda kale ee Wasaaraddu ay dedaal badan gelin doonaan wax-soo-saarka warbaahinta qaranka.

Wasiir Maxamed Muuse wuxuu xusay inay Wasaaradda looga baahan yahay inay qowl iyo qalin ba lagu difaaco qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.