Dagaal Culus Oo U Dhexeeya Ciidammada Dowladda Liibiya Iyo Mucaaradka Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Tripoli

0
806

Dagaal ayaa ka dhex qarxay ciidamo daacad u ah dowlada Libya iyo maleeshiyaad mucaaradka ee ka yimid dhinaca Bari ee dalkaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ka socda illaa saddex aag oo duleedka Koofured ee magaalada Tripoli.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay dalka Libya Ghassan Salame ayaa sheegay in uu dhici doono shir hore loo qorsheeyay oo loogaga hadlayo sidii doorasho uga dhici lahayd dalka Libya.

General Khalifa Haftar oo dowladii hore ee Libya ka ahaa taliyaha ciidamada ayaa horkacaya dagaalyahanada mucaaradka waxana uu sheegay in awooda uu isugu geyn doono sidii uu ula wareegi lahaa magaalada Triboli.

Diyaaradaha dagaalka dowlada Libya oo ay gacanta ku hayso Dowlada ka dhisan Tripoli ayaa duqeeyay dagaalyahanada mucaaradka oo ku sugan duleedka caasimada.

Hase yeeshee lama oga qasaaraha ka dhashay duqeyntan,waxaana ka jirta cabsi xoog leh gudaha caasimada Libya iyadoo dadka ku nool magaaladana ay bilaabeen inay keydsadaan cunto halka kuwo kalana ay isu diyaariyeen qax iyo barakac.

Hogaamiyaha mucaaradka Libya General Haftar ayaa kaalmo ka helaya dowladaha Masar iyo Ruushka balse waxaa soo baxaya baaqyo ku saabsan in dagaalka la joojiyo.

Wadanka Libya ayaa waxaa ka jira degenaansho la’aan dhinaca siyaasada ah tan iyo markii xukunka laga tuuray lana diley hogaamiyihii hore Mucamar Qaddafi sanadkii 2011.