Maxkamad Xukuno Adag Ku Riday Dawlada Djibouti Iyo DP World Oo U Muuqata Inay Ka Guulaysanayso Madaxweyne Geelle

0
748

Maxkamada caalamiga ah ee xalinta khilaafaadka magaalada London ayaa go’aan ka soo saartay dacwad u dhaxaysay dawlada Djibouti iyo shirkada DP World.

Maxkamada xalinta khilaafaadka ee London ayaa go’aamisay in dawlada Djibouti ay bixiso lacag dhan $385 Million iyo jabinta dulsaarka damiinka koontiindharada ee dekeda Daaroole.

Dekeda Daaroole ayey Shirkada DP World ku lahayd saami dhan 33.34% halka dawlada Djiboutina ay lahayd saami dhan 66.67 %.

Sidoo kale maxkamada xalinta khilaafaadka ee London ayaa amar ku bixisay in dawlada Djibouti ay bixiso lacag gaadhaysa $148 Million oo ah lacag ka soo xarootay koontiidharo gaadiid ah oo aan loo wareejin dekeda Daaroole wakhtigii ay maamulaysay shirkada DP World, waxaana sidoo kale ay maxkamadu xukuntay in dawlada Djibouti ay bixiso kharashka sharci ee dekeda Koontiidharada ee Daaroole.