Masar: Haweenay U Geeriyootay Handadad uu tuug kula kacay !

0
1061

Haweenay u dhalatay Dalka Masar ayaa waxay u geeriyootay si lama filaan ah kadib markii nin tuug ah oo dhacayey uu  handaday.

Dhacdadan ayaa waxa markiiba ka hawl galay ciidammada Bileyska ee dalkaasi waxaanay isla markii ba ku guuleysteen in aqoonsadaan gacantana ku soo dhigaan ninkaasi tuug ah.

Kadib markii ay ciidammadu gacanta ku soo dhigeen ninkaasi ayaa waxa uu qirtay inuu falkaasi ku kacay waxa aanu yidhi, “Waxa aan deganahay goob u dhaw goobta ay deganayd haweenaydaasi waxaan ka war hayey in wiilka ay dhashay uu ka baxo guriga oo uu ka tego hooyadii oo qudha, waxaan go’aansaday in aan dhaco kana xado wixii ay haysatay”.

Tuugan ayaa qirtay in isagoo hubaysan uu u dhacay haweenaydaasi kadibna uu ku handaday inuu qudha ka jari doono, sidaasi awgeedna ay u geeriyootay naxdintii ay ka naxday.