“Aaraada Xisbiga Kulmiye Waxa Ka Muuqanaysay In Aanay Diyaar U Ahayn Inay Doorashadu Qabsoonto…”-Xuseen Axmed Caydiid

0
1311

Xisbiga Waddani Oo Ku Dhawaaqay In Wada Hadaladii Ay Lahaayeen Kulmiye Inay Natiijo La’aan Ku Soo Dhammaadeen

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku dhawaaqay in wada hadaladii gaarka ahaa ee ay wada lahaayeen Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ay burbureen oo aanay ka soo bixin natiijo midho dhal ahi, sidaasi awgeedna waxay Xisbiga Kulmiye ku eedeeyeen in aanay u diyaar ahayn in xal laga gaadho sidii ay doorashooyinku ay dalka uga qabsoomi lahaayeen.

Wada hadaladan u gaarka ahaa labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ayaa toddobaadadii u dambeeyey uga socday magaalada Hargeysa, waxaanay kaga arrinsanayeen qabsoomida doorashooyinka iyo komishanka doorashada qabanaya.

Haddaba, Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ugu horreyn shalay warbaahinta uga warramay natiijada wada hadaladaasi, waxaanu yidhi “Warbaahinta, waxaanu idiinku yeedhnay in aanu war idinka siiyo wada hadaladii ay wada lahaayeen ee ay ku maqnaayeen labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ee ahaa arrimaha carqaladaha ah ee hor taagan doorashooyinka ay kaga soo wada hadlayeen halkii ay ku dambeeyeen”. Xildhibaan Xuseen waxa uu iftiimiyey geedi socodkii wada hadaladaasi, “Isniintaa shalay Isniinteedii ayey aheyd maalintii aanu Madaxtooyada isugu tagnay oo shir uu guddoominayey Madaxweynuhu, saddexda xisbi Qaran ay ka qaybgaleen halkaana ay ka soo baxday oo waliba qolada Kulmiye ay codsadeen in xisbiga Waddani iyo Xisbiga Kulmiye ay waliba gooni isku arkaan, Saddex maalmood ayaanu kulanay intii ka dambaysay oo aanu si gaar ah u kulanay wadahadaladayaduna inta badan laba qodob ayuun bay ku war-wareegayeenoo. Qodobka koowaad oo ah Komishanka doorashooyinka ee hadda jooga waxa aanu ka war qabnaa in aanu ahayn komishankii doorashada inoo qabanayey oo muddo xiloodkooduba uu dhammaanayo inta aan la gaadhin maalinta doorashada. Mar hadday sidaa tahay in caqligu ina farayo in Komishankii doorashooyinka inoo qaban lahaa uu goor hore yimaado oo uu hawshiisa diyaarsado si doorashooyinku ay u qabsoomaan xilligii loogu talo galay ee sanadka dhammaadkiisa ahaa”. Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray, “Qodobka kalena waxa uu ahaa in Komishankaa soo socda, kumishankii baddelayey uu noqdo xisbiyadu in Komishan si simman loo soo qaybsado uu ahaado, labadaa qodob ayaanu ka wadahadlayney”.

Intaasi kadibna, Xildhibaan Xuseen waxa uu ku sheegay in natiijo la’aan ay noqdeen wada hadaladaasi, “Nasiib daro waxaan u sheegayaa bulsho weynta reer Somaliland in labadii qodoba aanaan heshiis ka gaadhin, oo ah ‘Komishankani inuu tago iyo in komishankii doorashada inoo qaban lahaa uu yimaado, runtii midhkaasi wuu ku adkaaday qoladii kale, hawsha ha sii wateen (Komishanka) ilaa inta ay bisha Noofambar kaga dhammaanayso, dabadeedna laba iyo toban cisho iyadoo doorashadii ka hadhay ha yimaado Komishan kale, taasi caqli uma aragno iyo inay doorasho inoogu qabsoomayso, markaa halkaasi ayuu Xisbiga kale (Kulmiye) iska taagay, mida labaadna waxa weeyi in si simman loo soo qaybsado oo mararka qaarkood aad moodaysay inay si dheeldheel ah u hadlayaan, iyagoo leh aan kordhino oo shantii xubnood ee aanu haysanay halkii ha noo yaalaan, saddexda Xisbina min laba xubnood ha qaataan, taasoo ah in Xisbiga Kulmiye toddoba xubnood sidaa ku yeelanayo, Xisbiga Waddani na laba xubnood haku yeesho aaraada ka soo baxaysay ayey ka mid aheyd, markaa halkaa waxa ka muuqanaysa in aan diyaar looga aheyn waxay doorasho inoogu qabsoonto”. Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Dhinaca kale, Xisbiga Kulmiye oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino arrintani ayaanay noo suurto galin markii ay ka jawaabi waayeen marar door ah oo aanu garaacnay taleefanada gacanta ee madaxda Xisbiga Kulmiye.

Ugu dambayntiina, wada hadalan u gaarka ahaa labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ee toddobaadadii u dambeeyey uga socday magaalada Hargeysa ayaa la filayey inay ka soo baxaan isfaham siyaasadeed oo ay xisbiyadaasi iskula gartaan aragti mideysan oo ku wajahan qabsoomida doorashooyinka iyo waliba kalsoonida komishankii qaban lahaa, taasoo meesha ka saari laheyd ismaandhaaf ba’an oo u dhaxeeyey oo sababay in dhinac ahaan uu joojiyo wada shaqayntii uu la lahaa komishanka haatan jooga, taasoo keentay in hawlihii doorashadu ay xagal daacaan oo aanay sidii loogu talo galay u socon, isla markaana ay hadda u muuqato in aanay doorashadu xilligii loo qoondeeyey ku qabsoomayn taasoo uu komishankuna dhawaan ka dhawaajiyey, waxaana xusid mudan in muranka iyo khilaafka xisbiyadani iyo waliba dib-u-dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanadu uu noqonayo hagardaamo soo wajahda geedi socodkii dimuqraadiyada dalka oo sababi karta sumcad xumo.