“Ma Jirto Dawlad Adduunka Ah Oo Kaa Yeelaysa Qofkaasi Lacag Baan Ku Leeyahay Ee Ii Soo Qabta…” Prof Cabdi Cali

0
914

Agaasimihii guud ee hore ee wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland Prof Cabdi Cali Jaamac hore iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka hadlay arrinta muranka badan dhalisay ee ganacsade Axmed Geelle oo la sheegay inay dawladda Jabuuti u soo dirtay waaran qabasho ah.

Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa facebook oo ka hadlay arrintan waxa uu ku yidhi

“Arrinka Ganacsade Geelle iyo M/weyne Geelle.
Muxu ku keenay Ina Cumar Geelle booqashada iyo ictiraafka Muqdisho ayaa leh, Hargeysana aqoonsiga waan kala dagaalamayaa, lugna soo dhigi maayo, maxaa yeelay taasi waxbay u taraysaa!!! haddana, dhinaca kale, wax kasta ha ii fuliso Somaliland, xataa hadday tahay in loo dhiibo ganacsatadeena!!!

Qodobka labaad, haddi ay sax tahay sidaan maqlay, waxa la isku hayaa waa adduun ama ganacsi lacageed; ma fahmi karo anigu nin madaxweyne ah oo baayacmushtar ah.

Qodobka saddexaad, qofku mar haddii aanu wax soo dilin ama danbi bani’ aadam oo foolxun soo gelin, ma jirto dawlad adduunka ah oo kaa yeelaysa qofkaasi lacag baan ku leeyahay ee ii soo qabta, gaar ahaan lacag siyaasiyiin ku lug leeyihiin; hadduu muwaadin yahayna hadalkiisa daa; Dastuurkeena way ku caddahay taasi; madaxda Djibouti iyo Somaliland ba ha loo sheego in aanay lacagtu muhiim ahayn; bani’aadamka ayaa ka qaalisan; ma karaamaysna lacagtu; ha dhacdo lacagtu iyo dadka jeceliba!!!

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.”