Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday In Masar Beddeshay Mawqifkeedii Ku Aadanaa Midnimada Soomaaliyeed Oo Ay Ku Qanacday Inaan Laysku Qasbi Karin Somaliland Iyo Soomaaliya

0
813

Masar Oo Urur Ay Hoggaamiso Ka Saartay Somaliland Kuna Soo Dartay Soomaaliya Haatana Garwaaqsatay Inay Somaliland Ku Soo Darto

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysay sheegtay in dawladda Masar mawqifkeedii ku aadanaa Midnimo Soomaaliyeed, isla markaana ay si weyn u danaynayso Kheyraadka Somaliland iyo sidii ay Masar iyo Somaliland isaga kaashan lahaayeen arrimo door ah iyo waliba in dhawaan dalka ay yimaadaan wefti culus oo ka socda dalka Masar, kadibna Madaxweynaha JSL uu socdaal ku tegi doono dalkaasi si uu ula soo kulmo dhigiisa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL Md Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa ka warramay socdaal hawleed oo uu ku tegay dalka Masar iyo kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta dalkaasi, waxaanu yidhi “Saddexdii cisho ee aanu halkaasi joognay runtii si milgo iyo sharaf leh ayey noo soo dhaweeyeen, kulamo badan ayaanu la yeelanay dawladda Masar, kuwaasi oo ay ugu horreysay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Masar gaar ahaana Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Md Xamdi oo markaasi ahaa ku simaha Wasiirka, waxa kale oo aanu la kulanay Md Abubakar oo ah ninka u qaabilsan arrimaha Afrika, iyo waliba Ninka u qaabilsan hay’adda Partner and Devolopment, waxaanu la qaadanay kulan aad u ballaadhan oo ay ku jireen Wasaaradda Difaaca”. Waxaanu intaasi ku daray, “Waxaanu ka wada hadlaynay danaha labada waddan oo ah Dhaqaalaha, Siyaasada, Waxbarashada, Caafimaadka”.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadu waxa kale oo uu sheegay inay Dawladda Masar kala hadleen Urur ay hoggaamiso oo Somaliland laga reebay oo lagu daray Soomaaliya, iyo waliba arrinta Badda Cas, “Markii aanu ka hadlaynay arrimaha Geeska Afrika, waxaanu kala hadalnay arrinta Badda Cas, waxaana jira isbaheysi la yidhaa Ururka Midowga Arrimaha Badda Cas oo ay hoggaamiso Masar, oo laga reebay Somaliland isla markaana lagu daray Soomaaliya, sidaasi awgeed aad ayaanu ugala hadalnay, runtiina way soo dhaweeyeen oo way nala qaateen in Badda Cas ay tahay Somaliland, markaa way nala qaateen in kulamada danbe ee ururkaasi inay Somaliland ka qayb qaadato oo joogto”.

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay arrimo kale oo heshiis ka gaadheen, “Waxaanu isla qaadanay in fursadaha Waxbarasho iyo Tababbarada dublomaasiyadeed ay dawladda Masar bixiso in lagu soo daro Somaliland, iyo in aanu iska kaashano arrinta amniga”.

Dhinaca kalena, Wasiir Gaaxnuug waxa iftiimiyey inay Masar danaynayso Kheyraadka Somaliland, “Waxyaalaha ay dawladda Masar aadka u danaynayso waxa ka mid ah Cuntada sida Xoolaha Nool iyo Kalluunka, markaa isfaham wanaagsan ayaanu ka gaadhnay waxaana laga yaabaa in saddexda toddobaad ee soo socda ay Somaliland yimaadaan Wefti culus oo ka socda dalka Masar, waxaana qasab noqon doonta haddii ALLE yidhaa in marka ay habboonaato ay labada Madaxweyne kulmaan oo uu Madaxweynaha JSL uu tego dalka Masar si uu ula kulmo Madaxweynaha dalka Masar”.

Ugu dambayntiina, Wasiir Liibaan ka hadlay isbeddel ku yimid aragtida siyaasadeed ee Dalka Masar oo ku aadan Somaliland iyo Soomaaliya, “Runtii, Masar waxay ka mid tahay waddamada adduunka ee aaminsanaa midnimada Soomaaliya, balse hadda ku qancay inay arrintaasi tahay riyo aan rumoobayn, markaa si cad ayaanu uga wada hadalnay oo waanu u sheegnay in aanu hore Somaliland ahaan aanu ahayn dadkii jeclaa inay Soomaali midowdo ka hor 1960kii, waxayse noqotay riyo aan shaqaynayn markaa Masar waxay ku qanceen Wasaaradooda Arrimaha Dibada iyo Dawladooduba in midnimo Soomaaliyeed oo hore u dhicisowday oo laysku keeni kari waayey shantii Soomaaliyeed ee gobolkan kuwada dhaqnaa, markaa in aanay Somaliland iyo Soomaaliya na aan la isku qasbi Karin, doodo dhaadheerna waanu ka yeelanay waxaanay u muuqataa mawqifkii Masar ee Somaliland iyo Soomaaliya inuu isbeddelay”. Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL Md Liibaan Yuusuf Gaaxnuug