Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland mudane C/laahi Abokor Cismaan ayaa xadhiga ka jaray xafiis ay wasaaraddu ku yeelanayso magaalada Boorama.

Xadhig ka jarka ka dib waxa uu wasiirku kulan la yeehsy shaqaalaha wasaarada ee magaalad Boorama, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay isuduwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi.

isuduwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka warramay muhiimada uu xafiiskani u leeyahay qaranka, wuxuuna sheegay in xafiiskani bixin doono liisamada gaadiidka ee gobolka.

Dhankoodana, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey wasiirka hirgelinta xafiiskan, waxayna tilmaameen in uu wax weyn ka tari doono baahiyaha bulshada magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal.

Gabagabadii waxa uu wasiirku masuuliyiinta wasaaradda ee gobolka ku wareejiyey gaadhi Seeraf ah oo qayb ka qaadan doona horumarinta hawlaha xafiiska.