Madaxweynaha Somaliland Oo Xil-Ka-Qaadis Iyo Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Xukuumaddiisa

0
1115

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray wareegto uu xilalka ka qaaday saddex xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada, saddex Agaasimeyaal Guud ah iyo wakiillo Somaliland u joogay dalalka dibadda, halka sidoo kale isku beddel lagu sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta xilalka u haya dowladda Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland shalay, kaasoo u qornaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mid ah xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil-ka-qaadista Wasiirrada

Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ku: Maxamed Muuse Abees, Wasiir-ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Mudanayaal, sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta (Sabtidii shalay ee taariikhdu ahayd 30 March 2019) aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
  3. Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud

Ku: Jamaal Cabdillaahi Muxumed, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga.

Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Mudanayaal, sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Ujeeddo: Xil-ka-qaadista Wakiillada

Ku: Xasan Hirad Yaasiin, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Ku: Ayaanle Salaad Diiriye, Wakiil-ku-xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya.

Mudanayaal, sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Magacaabidda: Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobka 90aad;

Markaan arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda;

Markaan ku qancay: In ay hanan karaan Masuuliyadda ka dhalanaysa xilalkan;

Markaan sameeyey: La-tashi ballaadhan;

Waxaan go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta (30 March 2019) aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga
  2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
  3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda
  4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
  5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
  6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
  8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
  9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
  10. Mukhtaar Maxamed Cali inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  11. Farxaan Aadan Haybe inuu noqdo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda
  12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite inuu noqdo Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.
  13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle inuu noqdo Wakiil-ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya.
  14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim inuu noqdo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Togdheer, ayaa lagu yidhi wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.