Guddoomiyaha Baanka Dhexe Oo Ka Hadlay Qiimaha Sarifka Dollarka Iyo Sida Uu Isku Beddelo

0
196

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Md Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa ka hadlay qaabka ay u ilaaliyaan qiimaha sarifka lacagaha ee ay soo saaraan.

Guddoomiye Baqdaadi oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa ka xog-waramay heerka uu marayo sarifka doollarku iyo sida uu sare ugu kacay qiimaha shillinka Somaliland, waxaannu yidhi; “Shillinka Somaliland maanta (shalay) oo aynu joogno wuxuu marayaa gacanta hore 9,330 SLSH ah, gacanta dambena waa 9,400 SLSH ah. Haddii aan fasiro gacanta hore (buying rate) waxa weeyaan marka aad adigu sidato lacag shillinka Somaliland ah ee aad doollarka doonayso, gacanta dambe (selling rate) waa marka aad doollarka sidato ee aad shillinka doonayso, markaa haddii aad imminka doonayso doollar waxa aad halka doollar ku iibsanaysaa 9,400 SLSH ah.”

Guddoomiyaha Baanka, ayaa sidoo kale ka hadlay halka uu sarifku marayey markii xilka loo magacaabay, waxaannu yidhi; “Markii aannu nimid (xilka) ee taariikhdu ahayd bishii April 2018 qiimaha sarifka halka doollar waxa uu ahaa ilaa 11,000 SLSH ah oo kolna kor ayuu u sii dhaafayey, marna hoos ayuu uga soo dhacayey oo meelba muu taagnayn oo habeen qudha ayuu sare u kacayey kun shillin (1,000 SLSH), haddana uu hoos u soo degayey, markaa dadku mabay garan karin waxa ay berrito ku sarifanayaan ama ku iibsanayaan, taasna waxa sabab u ahaa sariflaha jooga Ceerigaabo, ka jooga Boorama iyo ka Hargeysa jooga isku sarif may ahayn, ismana ogayn oo sarifluhu marka uu soo baxo subaxii ee uu soo fadhiisto miiskiisa sarifka, ka ku xiga (sariflaha ag fadhiya) ayuu odhanayey; “waar, maanta halkee ayuu marayey sarifku? Ama Burco ayuu la soo hadlayaa oo wuxuu odhanayaa; “intee ayuu ku sarifayey maanta mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee sarifka? Markaa waxa aan jirin sicir dhexe oo lagu goosto qiimaha sarifka, markaa waxa aannu samaynay in subax walba, ilaa saacaddu marka ahay tahay 8:30 AM waxa aannu la hadalnaa ilaa 30 sarifle oo ka mid ah sariflayaasha ugu waaweyn gobollada dalka oo dhan, markaa mid walba waxa aannu waydiinaa sarifka uu maanta ku sarifayo, kadibna marka aannu eegno mid walba sarifkiisa, ayaannu u samaynaa qiime celcelis guud ah (average rate) oo kaas ayaannu ka soo saarnaa sicir dhexe, markaa maaha qiimaha sarifka xaqiiqda ahaa (actual rate) ee wax lagu kala beddelanayey ee waa mid celcelis ah oo sariflaha jooga Ceerigaabo, Boorama iyo Saylac mid walba wuxuu arkayaa halka uu maanta suuqu (sarifku) taagan yahay.”

Guddoomiye Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa sidoo kale ka dareen-celiyey doodaha dadweynuhu qabaan ee la xidhiidha in farqi kala duwanaansho ah u dhexeeyo sarifka Baanka Dhexe soo saaro iyo qiimaha suuqu, waxaannu yidhi; “Dad ayaa yidhaahda sarifkii Baanka iyo sarifkii suuqu way kala duwan yihiin, waana runtood oo way kala duwan yihiin, waayo 30 sarifle ayaannu soo saarnay isku celceliskooda, markaa waa laga yaabaa in marka aad suuqa tagto uu mid walba ka yara duwan yahay sarifka Baanka, laakiinse wax badan kama duwana.”

“Sariflayaasha waxa aannu eegnaa farqiga u dhexeeya qiimaha uu ku iibinayo doollarka iyo qiimaha uu ku iibsanayo (buying and selling rate) oo haddii ay ka badtaan 50 SLSH ah ilaa 80 SLSH waa mid iska caadi ah, laakiin haddii uu ka sareeyo 100 SLSH ah ama 120 SLSH ah waannu calaamadinaa oo telefoon ayaannu kula hadalnaa oo waxa aannu ku nidhaahnaa; “maxaad sarifka u dhaafisay qiimihii celceliska ahaa (average) ee la dejiyey? Markaa haddii uu na qanciyo waa sax, laakiin haddii uu na qancin waayo waxa aannu ku nidhaahnaa; ‘hoos u soo dhig oo suuqa la sin.’ Markaa waxa halkaas ka muuqanaysa in nin walba aannu waxa uu doono aannu ku sarifin.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu iftiimiyey tallaabooyinka ay ka qaadaan sariflayaasha u hoggaansami waaya qiimaha sarifka ee uu soo saaro Baanka Dhexe ee Somaliland.

“Qofka aannu amar siino ee hoos u dhigi waaya waxa aannu ka xidhnaa hannaankan sarifka mobilka (mobile money exchange) oo waxa aannu la hadalnaa shirkadaha ZAAD ama E-DAHAB oo aannu ku nidhaahno sariflahaas ka xidha lambarka adeegga sarifka, kadibna 24 saacadood marka uu ka xidhnaado isagoo ordaya ayuu noo yimaadaa oo uu naga codsadaa in aannu dib ugu furno, isagoo ballanqaadaya inuu u hoggaansamayo qiimaha dhexe ee sarifka, haddii uu ku sii adkaystana waxa aannu ka qaadnaa ruqsadda sarifka, markaa sidaas ayaannu ku xakamaynaa suuqa sarifka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments

comments