Farmaajo Oo War Cusub Ka Sheegay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

0
766

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii looga midho dhalin lahaa wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Mr. Farmaajo oo shalay hadal u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuu sheegay inuu dedaal ku bixinayo sidii loo dhammayn lahaa wax uu ugu yeedhay ‘tabashada’ dadka reer Somaliland iyo sidii ay mar labaad u soo noqon lahayd midnimadii burburtay ee Soomaaliya,

“Waxa naga go’an sidii looga midho dhalin lahaa wada hadalada maamulka Somaliland iyo dawlada fedaraalka ah ee Somaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka walaaladeen.” Ayuu yidhi Farmaajo oo intaas raaciyay

“Walaaladeena Somaliland waa dad walaalaheen ah oo aan jecelnahay oo aynaan kala maarmin waxaanu ku bixinaynaa dedaal dheeri ah midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed si aan uga baxno dhibaatada ay umadda Soomaaliyeed ku jirto, waxaanu u diyaar nahay inaanu si waafi ah uga garowno tabashooyinkooda walaaladeena reer Somaliland.”