Xisbiyada KULMIYE IYO WADDANI Oo Kulan Gaar Ahi Hargeysa Uga Furmay & Waxyaalaha Ay Kaga Wada Hadlayaa Iyo Sababta Keentay

0
1039

“Wada Hadalo Ayaa Si Sarraaxi Ah Noogu Bilaabmay Ee Wali Wax Go’aamo Ah Oo Aanu Ka Warrano Islamaanu Gaadhin…”-Xuseen Axmed Caydiid

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa markii u horreysay magaalada Hargeysa ku wada yeeshay shir gaar ah oo ay albaabadu u xidhan yihiin oo ay kaga wada hadlayaan xaaladda Siyaasadeed ee dalka.

Waxaana Shirkan gaarka ee ay isugu yimaadeen labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ka soo qayb galay Masuuliyiin sare oo ka kala tirsan labadaasi Xisbi, waxaana Xubnaha Xisbiga Kulmiye hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), halka xubnaha kale ee wehelinayey ay kala ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-dheere, Guddoomiye ku xigeenka saddexaad Xuseen Aadan Cadde, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Cabdikariim Xinnif.

Sidoo kalena, Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee shirkan ka qayb galay waxa hoggaaminayey Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde, xubnaha ku wehelinayeyna waxay kala ahaayeen Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xoghayaha gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Iidle.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa ugu horreyn ka warramay ujeedada shirkan gaarka ee ay wada yeesheen labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, iyo waxyaalihii ay kaga wada hadleen, waxaanu yidhi “Waxaanu ku kulanay labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, shir ay dorraato saddexda Xisbi Qaran yeesheen ayaa laysugula soo qaatay inay labadan Xisbi gaar u kulmaan, markaa wada hadalo ayaa si sarraaxi ah noogu bilaabmay ee wali wax go’aamo ah oo aanu ka warrano islamaanu gaadhin, waxaananu isku soo noqonaynaa Sabtida”. Waxaanu intaasi ku daray, “Shirarkani waa Geedi socodkii dimuqraadiyada, iyo sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinku, iyo waliba sidii looga wada hadli lahaa arrimaha carkiran ee taagan, markaa waxaanu gudo galnay qodobkii u horreeyey, markaa waxaanu rejaynaynaa in aanu meel wanaagsan isla gaadhno haddii ALLE yidhaa”.

Dhinaca kalena, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa isna ka warramay ujeedada shirkan labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani yeeshay, waxaanu yidhi “Waxaanu shir gaar ah oo aanu ku wada hadlayno yeelanay Xisbiga Waddani, waxaanu wada hadalkayagu iyo in aanu gooni isku aragno uu ka dhashay shirkii dhawaan ay isugu yimaadeen Saddexda Xisbi, markaa si fiican ayuu noogu bilaabmay oo walina wuu noo socdaa wada hadalku, sidaasi awgeed marka uu noo dhammaado ayaanu qodobada ka soo baxa warbaahinta uga warrami doonaa”.

Ugu dambayntii, labadan Xisbi Qaran ee Kulmiye iyo Waddani oo loolan adagi uu ku soo dhex maray doorashadii Madaxtooyada Somaliland ayaa muddooyinkii danbe si weyn u kala aragti duwanaa isla markaana si ba’an isugu maandhaafsanaa sidii doorashooyinku dalka uga qabsoomi lahaayeen, iyo jiritaanka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, iyo waliba arrimo kale oo badan, sidaasi awgeedna waxa la filayaa in kulamada danbe ee ay toddobaadka soo socda labada Xisbi u ballameen inay si adag ugaga wada hadlaan arrimahaasi oo ay go’aamona ka gaadhaan.