Xildhibaan Ka Tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Toogasho Ku Dilay Laba Qof Oo Shacab Ah

0
841

Guddoomiyaha Gobolka Jarati ee dowlad deegaanka Soomaalida Saafi Diiriye Shaafi ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay toogasho xildhibaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabo Bashiir Diiriye Camey uu ku dilay Laba qof oo Shacab ah maalintii shalay

Guddoomiyaha ayaa sheegay in toogashadan uu geystay xildhibaanka ay la xidhiidhay muran muddo dheerba soo jiitamayay oo salka haya lahaasha dhul-beereed ku yaalla degmada oo xildhibaanku ay siisay xukuumaddii uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.
‘’Doodda xildhibaanka iyo dadka shacabka ah ee beerta isku hayay muddo dheerba wey soo soctay, waxaan u sheegnay in ay sharciga ku kala baxaan, laakiin ugu danbeyntii falkan ayaa dhacay oo xildhibaanku uu ku toogtay labada qof,’’ ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Jarati.

Wuxuu intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen xildhibaanka iyo qof kale oo la socday oo sida uu hadalka u dhigay watay gaadhi nooca Bajaajka ah.

‘’Inkastoo xildhibaanku uu xasaannad leeyahay haddana haddii faldanbiyeed lagu qabto waa la xidhayaa, sidaa daraadeed waan qabanay gacanta laamaha Amniga ku jiraa’’ ayuu yidhi guddoomiye Saafi.

Xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu eedeynayaa in dhul ay Shacabku leeyihiin siisay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkiisa, kuwaa hadda doonaya in dib dhulkoodii ay u helaan.