Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Cashuuro Hor Leh Oo Ay Qaadayso

0
738

Wasaarada horumarinta maaliyada somaliland ayaa ku dhawaaqday inay hirgelinayso cashuuro horleh oo la qaadi doono.

Bayaan ka soo baxay wasaarada horumarinta maaliyada somaliland ayaa lagu faah faahiyey cashuuraha ay haatan qorshaynayso dawladu inay qaado, waxaanu bayaankaasi u dhignaa sidan:-

“Ugu horeyn waxa wasaarada horumarinta maaliyadu ay uga mahad celinaysaa dhamaan shacbiweynaha somaliland sida hagar la,aanta ah ay uga qayb qaataan guud ahaan horumarinta dalka gaar ahaana bixinta cashuurta.

Ahmiyad weyn ayey cashuuruhu u leeyihiin horumarinta qaranka waayo dawlada waxay u yihiin ilo dakhli oo u suura galiya xaqiijinta mashaariicda horumarineed haddii ay tahay fulinta adeegyada bulshada, sugida amniga, tayeynta waxbarashada, caafimaadka, bixinta mushaharka ciidanka ku hawlan difaacida dalka iyo bixinta mushaharka shaqaale weynaha dawlada iyo kobcintoodaba.

Hadaba wasaarada horumarinta maaliyadu waxay ku wargelinaysaa dadweynaha in la bilaabay dardar gelinta cashuurta macaashul macaashka ganacsiga, kiraynta guryaha, mushaharka shaqaalaha iyo cashuurta iibka adeegyada kala duwan gaar ahaana isgaadhsiinta iyo korontada sida uu dhigayo xeer Lr 72 2016.

Waxa xusid mudan in cashuurta adeegu aanay ku koobnayn somaliland oo kaliya balse ay ka jirto dalalka aduunka oo iyagu isticmaala tusaale ahaan wadamada jaarka oo Itoobiya ay qaado 15$, Uganda oo qaada 12%, Kenya oo qaada 10% halka somaliland ay qaado 5%.

Wasaarada horumarinta maaliyadu waxay ku adkaynaysaa muwaadiniinta ahmiyada sharci ee ay leedahay fulinta fariintani.