Ururka Solja Oo Soo Bandhigay Tacadiyada Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ee Ku Aadan Warbaahinta Madaxa Bannaan

0
814

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa si adag uga hadlay tacadiyada Suxufiyiintu kala kulmayaan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidaana waxa lagu cadeeyey War-Saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxaanu u dhignaa sidan:- “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu si aad ah uga xun yahay tallaabooyinka soo noqnoqonaya ee ay saraakiisha xukuumaddu kula kacayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaasoo qaylo-dhaantoodu maalin walba ka soo yeedhayso gobollada.

Gaar ahaan ururka SOLJA waxa uu dhalliilayaa xadhiga uu badhasaabka gobolka Awdal ku xidhay laba wariye oo ka hawlgala gobolkaasi, kuwaasoo booliisku ay ku xidheen Amarka Badhasaabka, iyadoo berri maxkamadda gobolka Gabiley dhegaysan doonto Dacwadda saddex wariye oo u xidhan Maayirka Gabiley oo ka hor istaagay inay galaan garroon ay ku sugnaayeen wefti ajaaniib ahi.

Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu u arkaa tallaabooyin lagu hor istaagayo Suxufiyiinta iyo qallabkooda ba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu kacay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Astaamahoodii loo diiday inay isticmaalaan xafladdii Berbera corridor, warbixin sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka ka jeediyay oo Mobiladoodii lagaga xayiray qalab hawada ka saaraya inay isticmaalaan.

Waxa kale, oo si joogto ah looga hor istaagaa munaasibadaha furan kuwaasoo ay madaxdu booliiska ku amarto inaan loo sii dayn sida ay qaar ka mid ah wariyayaashii ugu danbeeyay ee munaasibaddii maalinta biyaha doonayey inay ka qayb galaan ay SOLJA soo gaadhsiiyeen cabasho ah in askarta Wasaaradda biyuhu tahdiid iyo aflagaaddo ku sameeyeen.

Dhacdooyinka kale ee caqabada ku ah mihnada Saxaafadda ee culeyska ku ah saxaafadda waxa ka mid ahaa in soo noqoshadii safarkii Madaxweynaha ee Imaaraatka Carabta laga qariyo, taasoo aanu u aragno mid lagaga hor istaagayey saxaafaddu inay safarkaas ka hesho xog ay bulshadeeda u gudbiso.

Dhammaan ficiladda kala duwan ee ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda waxaanu u aragnaa kuwo ka hor imanaya dastuurka JSL, xeerka Saxaafadda iyo qoddobadii u danbeeyey ee ka soo baxay shirkii Wasaaradda Warfaafintu u qabatay Saxaafadda iyo xukuumadda.

Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa hay’addaha warbaahinta iyo Weriyayaasha ka hawlgala inay joojiyaan ficiladda xun xun ee ka hor immanaya Hab-dhaqanka iyo Anshaxa saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabashooyin soo gaadhay xarunta guud ee ururka.

Ugu danbayntii ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa badhasaabka gobolka Awdal inuu xorriyaddooda usoo celiyo labada wariye ee uu ku xidhan magaaladda Barama.