Madaxweyne-ku-xigeenka oo ku Baaqay in si Degdeg ah Looga soo Jawaabo Qaylo-dhaanta Gurmadka Abaaraha iyo Biyo La’aanta

0
873

Shir Ballaadhan oo uu Guddoominayey Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay ka qeybgaleen madax iyo masuuliyiin ka socota Hay’addaha Qarammada Midoobay iyo hay’adaha samofalka ee Somaliland ku sugan, madaxda qaar ka mid ah hay’adaha madaxabannaan iyo Wasiirro xukuumadda ka tirsan, ayaa ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maalintii Salaasada.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen in ka badan 30 Hay’addood oo isugu jira kuwa Qarammada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Samo-falka ee dalka ka hawlgala, ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad iyo taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada bariga Jamhuuriyadda Somaliland oo xaalad abaareed iyo mid biyo la’aaneediba ay ka jiraan.

Guddoomiyaha Hay’adda U-diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh oo isagu ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan biyo la’aanta wakhtigan soo food saartay gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxana uu xusay in wakhtigan la gaadhay xilligii kulaylka ee Kaliisha, dadka deegaanadaas ku noolina ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, iyadoo baahida ugu darani ay tahay biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna kulankaasi ka hadlay, ayaa sheegay in xaaladda biyo la’aaneed ee ka taagan Gobolada Bariga Somaliland ay tahay mid u baahan in loo sameeyo gurmad degdeg ah oo oo ballaadhan.

Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka, Qorshaynta iyo Arrimaha Gudaha oo iyaguna kulankaasi ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay dedaal ballaadhan ku bixin doonaan wixii kala gudboon, ka wasaarad ahaan, waxaana ay hogo-tusaaleeyeen qaabka ugu fudud ee dadkaasi loogu gurman karo.

Qaar ka mid ah Hay’addihii ka soo qeybgalay shirkaasi oo iyaguna hadalka qaatay, waxa ay sheegeen qorshayaasha waxtarka leh ee uga meel yaala gurmadkaasi loo samaynayo dadka ku nool Gobollada Bariga Somaliland ee ay soo wajahday xaaladda biyo la’aaneed, waxaana ay isla goobtaasi kaga dhawaaqeen waxtarkooda ugu horreeya ee ay kaga qeybqaadanayan gurmadka degdegga ah.

Ugu dambayntiina, waxaa shirkaasi ka hadlay Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxana uu daboolka ka qaaday qeylo-dhaanta biyo la’aaneed ee Gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaana uu sheegay inay Xukuumadda ka go’an tahay sidii biyo degdeg ah loo gaadhsiin lahaa dadkaasi, isaga oo ku dhawaaqay in hadda la dirayo booyado biyo ah, isla markaana ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan gargaarka loo fidinayo dadka abaaraha iyo biyo la’aantu ay saamaynta ku yeesheen.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu baaq u diray Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Qarammada Midoobay oo uu ugu baaqay inay degdeg uga soo jawaabaan baaqa qeylo-dhaanta biyo la’aaneed ee Gobollada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland.