“Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” Muniir Axmed Cigaal

0
1023

maxay damal weyn shiteen
. maxay qudhac deebiyeen
. waxay dab sudheen dhirtii
dhulkay midab dooriyeen
bal eeg degelkii hufnaa
bir iyo waxa daasad yaal
bal eega dalkii xalaa
waxay lafo daadiyeen “Hadraawi

Waxan arkaayay Maayarka Burco Mr. Muraad oo Berbera ma jeeranaaya, kuna calaacalaya cashuuri ima soo gasho, Waxaan kaloo arkayay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Burco oo ah kuwa ugu sii liita Golayaasha degaanada Dalka oo marka horeba khayr-ku dhammeeyay oo iyaguna shir guddoonka Golaha Wakiilada la kulmay 7-sanno kadib markii la doortay iyagoo xeerarka midaynta cashuuraha ka cabanaaya. Midi waa su’aale xaggay ku maqnaayeen 7-dii sanno intay Maanta oo xilkoodi maca korodhsiimaha aha ka dhammaaday ay gab-gab leeyihiin? Midina waa Maayar Muraadka calaacalaya ee leh 2-millyan oo Dollar ayaan sannadkii oo dhan isoo gala. Muraadow Alle haku calfo intaas tariikhda ku gashay ee ah Golihii ugu liitay ee Burco soo mara. Xeer iyo cashuuri kuma dabrine itaalkiina tayo ahaan ayaa intaas aha Marka Jamhuuriyadda Golayaasha degaanka ku khasaartay waxbaad la qabtaan xoogana way idiin dheertahay idinka, waxba Berbera oo baaxad ahaan kaayar, dhisme ahaana ka kooban iyadoo aad Mallaayin ka samayn lahayd ardiyada guryaha iyo dhismayaasha Magaalada cidna haw caban. Talladu waxay gobo ku tahay cimrigaasi wuu tagaye calaacal haku sagootiyin..

Burco waxay ahayd Degmadii ugu horraysay ee Somaliland xitaa Ingiriis dago waagi maxmiyada, badi haldoorka Somaliland halkay ka soo jeedan weeye. Magaaladii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaaliya ayay ahayd Burco xitaa Kismaanyo way ka horaysay.. Xudunta xoolaha Soomaalida ayay ahayd mushkilada haysata Burco dib ayay u guurta hore uma guurto iyadaa isku maqan iskuna mashquulsan.. Kubad Hargaysa laga soo taraarixiyo ayay Rer Burco isku dhuuxaan oo dhaawacyo isku gaadhsiiyaan. Markaa Burcoy Huuno markaad muranka dhexdiina ka soo ilbaxdaan markaas ayaynu Jamhuuriyadda iyo Gobolada Galbeedka ee Qabow waa halkii Madaxweyne Muuse Biixi aynu wax la qaybsan ka raynaa . Inta ka horraysa ciyaaraha isreeb reebka aynu Iska ciyaarno cidna yaynaan u caban..

Tusan ..
Muniir Axmed Cigaal