Yaa Kale oo Laga Helaa Daryeel Dadweyne iyo Adeegyo Casriya oo is Dabajoog ah oo Labeeya Dahabshiil!

0
983

Inta La Ogyahay Shirkada Dahabshiil oo Ka Shaqeysa Badiba Deegaanada Ay Somaalidu Degto iyo Wadamada Adduunka intooda badan iyada oo door weyn ku leh Gacan qabashada Ganacsatada yaryar, maalgalinta waxbarashada iyo caawinta bulshada somaalida ah meelkasta oo ku sugan yihiin iyo sidoo kale hirgalinta dhinaca adeegyo bulshadu ku diirsato oo wakhtiyo yar uun ka hore bulshadu dhaqaale badan ku bixin jirtay. S hirkadda waxa aasaasay isla mulkiilaha shirkadda, Mudane Maxamed Siciid Ducaale sannadkii 1970. Waxayna mulkiilaha iyo qoyskiisu markiiba u dhalan rogeen shirkaddii xawaalad caalamka oo idil ku baahda, oo Wakiilladeeda iyo Shirkadaha kale ee ay la bahowdey awood u siiya Macaamiisheedu inay lacago u soo diraan qoysaskooda iyo asxaabtooda ku nool Geeska Afrika. Shirkadda oo afartan sannadood ka hor hal goob ka soo aasaasantay, maanta waxa ka hawlgala oo u shaqeeya in ka badan 5000 oo qof oo adduunka meel kasta ka jooga. Kor u Kacaasi Balaadhan ee Shirkadu Sameysay Waxaa marwalba qayb ka ahaa bulshada adeega ay u qabato iyo habka iyo hanaanka kalsoonida lagu qabo ee ay shacabka ugu adeegto, sidaas oo ay tahay haddana Dahabshiil group marnaba kama ay madhnayn Caawinta iyo Gacan qabashada bulshada kala duwan ee aaney la’aanteed halkaa gaadheen. Shirkadaha Dahabshiil Group Waxay Isku Xidh Dhinac Dhaqaale iyo nololeedba isku xidhay Bulshada Somalida Kuwa ku nool Qurbaha iyo kuwa ku nool dalka gudihiisa oo Ay Suurto galisay in qurbajooga ku nool dalalka dibadu dhaqaale usoo diraan shacabka somaalida ah ee ay ehelada iyo qaraabada yihiin Waxaan cidna indha ka qarsan Karin doorka ay Dahabshiil ku leedahay Dhismayaasha iyo Koboca Dhinaca hirgalinta maalgashiyada kala duwan ee dalka Somaliland ay ku sameysay. KAABAYAASHA BULSHADA Hadaba waxaynu kasoo qaadan karnaa doorkii lama ilaawaanka ahaa ee shirkada Dahabshiil u qabatay Bulshada Somalida Sannadihii tagay islamarkaan wakhtigan lajoogana ay ku guda jirto: Masiibooyinka dabiiciga ah “ Abaaraha” Wadooyinka Iyo Dhismahooda Dhismayaasha Xarumaha Caafimaadka Taakuleyna Qaxootiga Yaman Waxbarashada iyo dhiirigalinta aqoonta Dhiirigalinta Ganacsiyada Yaryar Haddaba, Shirkadda dahabshil Group oo ka kooban , Remittance ,Somtel, eDahab, Dahabshiil Bank, MicroDahab, Dahabshiil Motors iyo Hyundai ayaa Carwadii 8aad ee Ganacsiga ku soo bandhigtay wacdaro kala duwan oo dhinacyo badan lahaa, islamarkaana waxay qiimo dhimis u sameeyeen Macaamiishooda, sidoo kale waxa ay kusoo bandhigeen Carwadda Adeeg-yo Cusub oo uu ka mid yahay DahabPay Portal oo ah adeeg Online ah, waxa sidoo kale Shirkadda Dahabshiil Motors kusoo bandhigtay Carwadda Gawaadhidda Hyundai oo Markii u horeysay Dalka La keeno. ADEEGYADA CUSUB 2019 Shirkadaha Dahabshiil Group, gaar ahaan dhinacyada Bangiyada iyo dirista lacagaha (Money Transfer), waxa dabayaaqadii sannadka 2018 soo afyeshay adeegyo iyo tubo cusub oo shirkadda iyo dadweynaheeda sii mataanaynaysa, loona qorsheeyey inay sannadkan 2019 qaangaadhaan. Waxa ka mid ahaa in shirkaddu la soo saxeexatay dalka aynu jaarka nahay ee Jabbuuti adeeg lagu xoojinayo Internet’ka oo Fibre Optic ah, qaybtiisa DARE 1. Internet’kaas waxa loogu talo galay in halka laga bilaabo Soomaaliya (South Central Somalia) uu gaarsiiyo adeegyo loo jeellanaa oo daku u ciillanaayeen, miyo iyo magaaloba. Adeeggaas waxa shirkadaha Dahabshiil group, gaar ahaan qaybteeda SOMTEL INTERNATIONAL, ugu talo gashay in macaamiishu kaga haqa-beesho u-adeegsiga Internet’ka iyo GSM’ka oo xawaare sare leh, dhinacyada Waxabarashada, Caafimaadka, Ganacsiga ( eCommerce), iwm. Sidoo kale adeegyada 4G ayaa goobihii aan hore u haysan la gaarsiiyey. Dhinaca kale, waxa shirkaddu bilowday oo durba hanaqaaday in ONLINE lacagaha lagu soo diro, qofka oo moobilkiisa, gurigiisa iyo kombiyuutarkiisa adeegsanaya oo ka casrisan wax kasta oo hore loo tijaabiyey. Shirkaddu waxay bilowday TalkRemit. Adeeggan oo ku lifaaqan qaybna ka ah adeegyada sida darandoorriga dadku u mahadiyeen, waxa uu isku xidhay hadalkii, eDahab iyo Internetkii – oo aan midna midka kale u dhutinayn oo ugu wada shaqaynaya, ilbuidhiqsiyo gudaheedna u xiriirinaya Diraha iyo Loo-diraha. Dhinaca Bangiyada, tiradii u badnayd ee dhallinyaro iyo haween ayaa bangigu albaabada u furay si ay u kobciyaan curintooda ganacsi, u kaabaan ganacsiyadooda koobnaa ee hore u jirey, korna ugu sii qaadaan waxbarashadooda iyo takhasuusyadooda. Kama hadhin, mana joojin, mana joojin doonto adeegyadii kuwan ka horreeyey ee tirabeelka ahaa ee ay ka midka ahaayeen maalgelinta hroumarinta (development investment) oo aan marag u baahnayn kaalinta uu ugu jiro horumarinta iyo ganacsiga dhulalka Soomaaliyi degto oo idil GEBOGEBO Gunaanadkii , Waxaa la odhan karaa shirkada Dahabshil Group waxay ugu jirtaa bulshada somalida guud ahaan meel aad iyo aad u mudan in marwalba la xuso haddii ay tahay Taalulaynta dhinacyada badan leh ee aan sare kusoo xusay iyo haddii ay ahaan lahayd adeegyada Casriga ah ee is daba jooga ee ay usoo gudbinayso bulshada guud ahaan. Wabillahi tawfiq Cabdirasaaq Sh Cali Hargeysa ,Somaliland