Xogo Warbaahintu Ka Heshay Shirkadda Magaalada London Ku Xaraashaysa Shidaalka Soomaaliya Iyo Taariikhdeeda Oo La Shaaciyey

0
786

Khamiista soo socota ee toddobaadkan waxaa hotel ku yaalla London ka furmi doona shirka xaraashka kheyraadka shidaal iyo gaas ee dalka Soomaaliya. Haddaba yaa maalgalinaya shirkaasi?.

MAXAY TAHAY SCHLUMBERGER?

Schlumberger waa shirkadda ugu weyn ee saliid iyo shidaal sahminta dunida. Laakiin magaceeda lagama maqlo saxaafadda, mana ka muuqato suuqyada wararka la xiriira ganacsiga shidaalka, sababtuna waxay tahay iyadoo had iyo jeer ku shaqeysata qaab hoose oo is-qarin ah. Waxaan dhihi karaa qaabka ay u shaqeyso Schlumberger waxay la mid tahay qaabka hay’adaha sirdoonka u hawlgalaan. Waxay jeceshay inay ka hawlgasho waddamada colaadaha, musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ka jiraan. Waxaa lagu aas-aasay 1926 Faransiiska. Waxaana wada aas-aasay labo nin oo walaalo Faransiin ah: Conrad iyo Marcel Schlumberger.  Tan iyo wixii markaa ka dambeeyay waxay ku faaftay adduunyada. Maanta waxaa u shaqeeya 100,000 shaqaale ka badan oo ku kala sugan 140 waddan oo adduunka ka mid ah.  Sannadkii 2016 ayaa daraasad qiimeyn dhaqaale oo ay sameysay Fortune Global ku tilmaantay shirkaddan Schlumberger shirkadda 287aad ee dunida ugu dhaqaalaha badan. Waxaa lagu qiyaasay in sannadkii ay hesho faa’iido dhan $48 billion (afartan iyo siddeed bilyan doolar). Sidaan kor ku sheegay shirkadda Schlumberger waxay ka faa’ideysataa waddamada xaaladaha adag ku jira sida Libya, Iran iyo Sudan; iyo kuwa musuqa uu ku baahay sida Turkmenistan, Russia, Masar iyo Sacuudi Carabiya.

GANAAXII LA SAARAY SCHLUMBERGER

Isla bishaas April 2015 ee shirka shidaalka Soomaaliya lagu qabanayo London, waxaa dalka Mareykanka lagu soo gaba-gabeeyay dacwad muddo socotay oo ka dhan ahayd Schlumberger. Waxaa lagu eedeeyay, laguna heley dembiyo la xariira ka dhuumasho canshuur, ka been sheegid qandaraasyo, marin habaabin hay’adaha canashuuraha dalka Mareykanka iyo in shaqaale Mareykan u dhashay ay dhex-gelisay qandaraasyo iyo macaamil lala yeeshay Iran iyo Sudan oo labaduba Mareykanka cunaqabateyn dhaqaale saaray. Dukumintiyada maxkamadda la geeyey waxaa ku jiray kuwo caddeynaya sida Schlumberger ay u khiyaantay Mareykanka iyadoo shirkaddan magacyo been abuur ah u baxsatay Sudan iyo Iran. Tusaale marka shaqaalaha Schlumberger eek u sugan Sudan ay soo dalbanayaan lacago maalgelin ah ama qalab waxay qori jireen “Koonfurta Egypt” iyagoo Iran ula baxay “Waqooyiga Gacanka”. Ujeedaduna waxay ahayd inay ka dhuumato hay’adaha caddaaladda iyo kuwa maaliyadda ee la socodka cunaqabateynta Iran iyo Sudan. Waaxda caddaaladda Mareykanka oo baaritaanka ka dhanka ah Schlumberger wadday ayaa ku soo gaba-gabeysay in shirkaddan lagu ganaaxo fal-dembiyeedkii ugu cuslaa ee shirkad ay gasho.  Ugu dambeyntiina xukun maxkamadeed ayaa lagu gaaray in Schlumberger lagu ganaaxo $155 million (boqol konton iyo shan milyan) oo ah ganaax fal-dembiyeedkii ay gashay ah; iyo inay dib u soo guddo $77.5 million (toddobaatan iyo toddobo milyan iyo bar) oo ah faa’iidadii ay heshey muddadii ay beenta ku shaqeysaneysay Schlumberger. Maxkamaddu waxay kaloo Schlumberger ku soo rogtay muddo saddex sano ah oo ay maxkamadda kula socod siineyso tallaabooyinkeeda ganacsi iyo inay hubiso in dembiyada lagu heley aaney markale gelin. Muddadaasi saddexda sano waxay ku ekeyd April 2018.

MAAMULE NORWEGIAN AH

Waxaa xusid mudan dhaq-dhaqaaqyada hadda socda ee shidaalka Soomaaliya lagu xaraashaayo inuu gadaal ka riixaayo Paal Kibsgaard oo hadda maamule fulin ka ah Schlumberger [Sawirka 2aad]. Paal Kibsgaard waa 51 jir, kasoo jeeda magaalo-dekedeedka Ålesund oo ku taalla xeebta galbeed ee dalka Norway. 1997 ayaa loo magacaabay jagadan, isagoo ka horna injineer ahaan uga soo shaqeeyay shirkadda dalka Sacuudi Carabiya. Bilihii Febraayo illaa Maarso 2018, maamulaha Schlumberger Kibsgaard ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u ceyriyay illaa 70,000 oo shaqaale muddo ka yar saddex sano. Waxaana lagu sababeyay hoos u dhaca sicirka qiimaha saliidda ee caalamka. Ha illoowin in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu heysto dhalashada Norway iyo inuu muddo dhow ahaa xubin iyo saamile ka tirsan shirkadda kale ee Soma Oil and Gas oo iyaduna tuhun weyn looga qabo xaraashka kheyraadka Soomaaliya.

….La Soco Qaybo Kale