“Anigu; Waxaan Xilka U Arkaa Meel Kulul Oo Dab Ah Oo Hore Loo Dhaafo Oo Aan Lagu Sii Raagin, Haddaanay Wax Iska Kay Badalin”

0
712

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad ka horjeediyay ciidamada qaranka oo xuskoodii 25 guuda aasaaska ciidamada qaranka ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay in xukuumada Farmaajo ay ku hayso Somaliland, arimaha doorashooyinka ee muranku ka taagan yahay, isbadalka Itoobiya gaar ahaan is maamulka  Soomaalida iyo aragtidiisa xilalka qaranka loo hayo oo uu ku tilmaamay kuwo aan mudnayan in lagu sii dhaganaado.

Ugu horayntii madaxweynaha oo hanbalyo u diraayay ciidamada qaranka  “Waxaan  Hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka Somaliland, Jannanada, Saraakiisha, Saariil xigeenada, Dablayda iyo xaasaskoodaba sannad guurada 25aad ee Ciidanka  Qaranka, Ilaahay waxaan uga rajaynayaa horumar guud ahaan iyaga iyo Xaasaskoodaba iyo in Ilaahay sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo Barwaaqo iyo horumar. Qaranku wuxuu uga mahadnaqayaa Ciidanka difaaca ay ugu jiraan qaranka iyo in ay yihiin dhidibada 1aad ee ilaalinta qaranka, Dawladdnimadu waxay ku fadhidaa saddex qodob waanay kala horeeyaan, ka ugu horeeya waa Ammaanka, ammaankana ciidamadaa inoogu horeeya markaa ciidamada kala duwan waa inaan siinaa mudnaanta Koobaad, hadday tahay ammaan Mahadnaq, Sharaf, Xurmayn iyo dhaqaaleba, Xukuumaddan maanta joogtana taasaa u ah mudnaanta koobaad.”

Waxa uu madaxweynuu ka hadlay waxayaabaha ay xukuumadiisu mudnaanta siinayso”Mudnaanta labaadna waa in tallo laysku wada kalsoon yahay la helo taasoo lagu helaayo sida xeerarkeenu dhigayaan in Xilka hoggaamintu yahay meerto, oo goleyaasha qaranka ee la doortaa gole waliba uu wakhtigiisa ku bedelmaa, oo shacabku mar labaad codkooda bixiyaan hadday tahay Madaxtooyo, hadday tahay guurti hadday tahay Baarlamaan iyo hadday tahay Dawladdo hooseba, waayo waxaa dan loo mooday oo Caalamka oo dhami eegay in Shantii sanno ama Lixdii sannaba mar la bedelo golahaasi si loo helo ama kii hore loogu celiyo ama dhiig cusub, dadkana taladu u sinaanto markaa waxaan u baahan nahay inaynu kaana ka dhigno qodobka Labaad ammniga iyo talada, taladii haddii la waayo la socon maayo, taladuna socon mayso haddaan ammnigu ka horayn.

Ta Saddexaadna waa dhaqaalaha in dalka dhaqaalihiisu markaa kor u qaadmayo, Dhaqaaluhu ma qaadmayo oo hore u marimayno haddaynaan ammaan hayn iyo talo wanaagsan oo lagu wada socdo, markaa waxaan leeyahay ciidamada qaranka aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa, xilkoodii koobaad way guteen, ummaddana waxay ku leeyihiin sharaf qadarin haddaynaan wax kale u hayn iyaga iyo ubadkooda iyo xaasaskoodaba, laakiin maanta hawlaha badan ee inaga badan duruufahaa inaga dhimay”

Madaxweynaha oo ka hadlayey mustaqbalka ciidanka Qaranka ayaa yidhi “Maanta Ciidankeena Qaranka waxaan Ilaahay  idinka rajaynayaa inaynu gaadhno oo aan goob joog ka noqdo isagoo leh  Ciidankii Cirka, waa riyadayda Ilaahay idankiina waan gaadhi doonaa isagoo leh Ciidankii Badda oo baddeena dhereran Maraakiib daafacda oo Maraakiib waa weyn oo Ciidanka Hoggaaminaya ay gaadhaan Ilaahay idankii waan ka rajaynaynaa waanan u hawl gelaynaa inuu Ciidankeenu yeesho Gantaalaha ridada dheer ee cadowgu ka baqdo”.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey Dalalka deriska iyo caalamka ayaa yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa inaan caddeeyo inay Somaliland jaararkeeda iyo Caalamkoo dhan nabad ugu baaqayso, nabad baan u baanahay dal dhismayaanu nahay ciddna duulimaad kuma nihin, cid walba nabad baanu ka rabnaa, waxaase la yaab leh Dawladda maanta Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Kheyr ee Xamar ka dhisani ilaa maalintii la doortay ilaa maalinkaa maanta ah, waxa ay weerar joogto ah oo qaawan oo dhinacwalba leh ay ku hayaan Qaranka Somaliland, Dagaaladaa laga sheekaynayey waa joogto, Dagaalka Dhaqaale waa joogto, ka Cuna qabatayni waa joogto, ka been abuurka ahi  waa joogto,

Waxaa la yaab leh oo taariikhdu inoo sheegaysaa dagaal cid guul ku gaadha waa la waayey Soomalina Soddonkii sanno  ee  u danbeeyey dagaal uun bay ku jirtay waanay wada degtay, caqliga toosani Soomaalidu maanta meelay joogtaba waxay u baahan tahay inay talo gaadhaan oo ay tashato,  laakiin waxaan arkayaa dawladda  maanta Xamar ka dhisan ee Baydhaba weeraraysa ee dadka ku laynaysa, ee Kismaanyo u hub samaysanaysa ee Putland dirqi kaga baxsatay ee Somaliland dagaalka ku haysa ee iyada ay ilaalinayaan ciidamada Qaramada midoobay, ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu Fidmadeeda inaga nabadgeliyo, innaguna waynu u diyaar garoobaynaa wixii ay dhibaato inoola yimaadaan dhinacwalba inaynu iska daafacno. Waxa soo baxay oo Dawladda Xamar ee Farmaajo iyo Kheyre keeneen inay yidhaahdaan Somaliand xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu dhigteen Xuduudihii isticmaarka ee Africa lagaga tegay aqbali mayno, ee waxaanu samaynaynaa xad beeleed.

Waxaa la yaab leh markii isaga la dooranayey (Farmaajo) waxaa la tartamay oo raggii meesha ugu aqoon badnaa ugu cadcaddaa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Samatar, Markii doorashadii xamar  dhamaatayna waxaa la yidhi orod dalkaagii qabo oo ku noqo, waxaanu ahaa ninka juhdiga u badan geliyey Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimi wuu inoo waramay, Ismaaciil Buubaa baa ka horeeyey oo Toban sanno u ahaa Wasiirka Khaarajiga wuu inoo yimi wuu inooga waramay waxa meeshaa yaalla.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay in dadka qaarkii uu sheego in aan Somaliland loo sinayan“Somaliland oo dabadan ay ka dhawaajiyana lama wada laha oo wali waxii ku dhacay Axmed Ismaacil Samatar iyo Cali Khaliif iyo  Cali Ciise aan arag, waxa aan u sheegayaa Somaliland waa la wada leeyahay markhatigeeduna waa Daahir Rayaale ayaa kaga guulaystay doorasho hal qof iyo hal cod ah Siilaanyo oo ahaa hogaamiyii SNM oo lagu qaabilay oo sideed sanadood ku xukumaayay, markhaatigeeda in Somaliland la wada leeyahay waxa ah Xaglatoosiye ayaa la tartamay Saylici oo ku sigay oo dirqi uu kaga baxsaday , Somaliland waa meel loo siman yahay oo nin waliba foodkiisa ka dhibto weeye, Xamar waxaanu leenahay idinkiina dabaad isku shidaysaan,caalamkiina dabaad ku shidaysaan anagiina dagaal ayaad nagu haysaane caqli keena , anagu nabad iyo ha lays dhiso  iyo dhibaatooyinka halaga baxo ayaanu taaganahay laakiin xadka Somaliland waanu difaacaynaa.”

Waxa uu xooga saaray madaxweyne Biixi arimaha doorashooyinka “Doorashada hada la go’aamiyay inay inoo qabsoonto bisha 12-aad ee sanadkan, walaalayaal hadii aynaan doorashooyinka dimuqraadiga ah aynaan galin, hadaynaan golayaasheena wakhtigooda aynaan dooran,hadaanay golayaashu doorasho noqon  taladu way inaga xumaanaysaa, taladu wanaagay ku wanaagsan tahay oo cun iyo cun ayay ku wanaagsan tahay maanta labada gole baarlamaanka iyo deegaankaba dad badan ayaa u sharaxan oo doonaya inay badalaan dadka golaha fadhiyay, xaq ayay leeyihiin waa inaynu xaqooda siinaa, xisbiyada qaranka waxa waajib ku ah inay xaliyaan waxii dhibaato ah ee iyaga khuseeya ee doorashada ku gudban diyaar ayaanu u nahay in aanu dood kasta xal nabad ah aanu u doono, waxaanuse xalka gaadhaynaa xisbiyada qaranka marka aynu mudnaanta siino in doorasho inoo qabsoonto haddii aynu mudnaanta siino muran yar oo dhexdeena taagan walaal gaadhi mayno doorashada, hadaynu doorashada gaadhi wayno oo baarlamaankeenu 15 fadhiyo oo guurtideenu ay 30 fadhiso oo madaxweynuu uu 7 fadhiyo walaalayaal waynu iska hor imanaynaa qarankani sidaas ku dhismi maayo , waxaan leeyahay waxyaabaha yar yar ee doorashooyinka hor yaala waynu dhamayn karnaa oo waynu dhamayn jirnaye aynu isku nimaadno oo dhamayno oo hala eego doorashada ee ayaan la eegin waxa yar ee ina horyaala.xisbi ahaan iyo dawlad ahaanba doorashada diyaar ayaanu u nahay in la wada hadlo in laysku tanaasulo  in doorahsada wakhtigeedii  lagu qabto oo aanay mar labaad dib inooga dhicin, golaha guurtidana aynu samayno xeerkii lagu dooran lahaa, golaha guurtida xilbaa saaran oo waa Madaweyn 1987 iyo 1988-dii, dhaxal ayay noqotay  iyo dimuqraadi ayaynu nahayna isma qabtaan.”

Waxa uu madaxweynuu intaas kadib soo jeediyay dardaaran“midna waan ku dardaarayaa aniga iyo inta kale ee markaas xilka haysa  anigu garan maayo  xilka raga yidhaahda waa lagu dhagan yahay oo waa lagu dagaalamayaa waxay qabanayaan anigu waxaan xilka u arkaa meel kulul oo dab ah oo hore loo dhaafo oo aan lagu sii raagin, hadaanay wax iska kay badalin, sidaas darteed waxa aan leeyahay dadka doonaya xilka inay ku raagaan garan maayo waxay ka heleene ee waxa wanaagsan in shantii sano iyo waxkhtigii laysu qabtay xilkeeda aynu ku wareejino, taas waan ku adkaynayaa waayo ciidankaas furinta ku dhimanaaya iyo ardaygaas yar ee soo dadaalaya rajadoodu way xumaanaysaa hadii aan la helin doorasho iyo madax kolaba la doortay oo lagu wada kalsoon yahay.”

Sida oo kale waxa u farin u diray dawlad deegaanka Itoobiya“Itoobiya waxaan u rajaynayaa isbadalka ka socda inay horumar iyo nabad ay ka gaadho allena u fududeeyo isbadaladu way hawlbadan yihiine, dawlad deegaanka Soomaaliyeed waxa aan kula talinayaa in maanta marxalada iyo muranka dhexdiina taagan aad nabad ku xalisaan,inaad isku dul qaadataan anaga ayaa soo marnay khilaafaad xalkeeda ayaanu garanaynaa waxaanu haynaa waayo aragnimo dhibaato waxay leedahay ah, waxaanu ku waaninaynaa madaxda badan ee dawlad deegaanka Soomaaliyeed inay arinta dajiyaan oo ay isku tanaasul ku dhameeyaan waayo iyagu waa ay ka duwan yihiin Soomaalida kale oo dhan Soomaalida kale waa dawlado gaar ah  Jabuuti waa dawlad gaar ah oo meel

taan,Somaliland,Somaliya dawlad deegaanka Soomaalida Soomaali oo dhan ayaa ku dhan cid walba xuduud ayay leeyihiin wanaagoodu waa uu ina saameeyaa haday dhibaato ka dhacdana way ina wada saamaysaa.”