Maxamuud Xaashi Oo Bilaabay Ololihiisii Shirka Golaha Dhex Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Mas’uuliyiin Uu La Qaatay Kulammo Qarsoodi Ah.

0
1125

Wasiirkii Hore ee Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista Hawada ee Xukumadii Madaxweyne Axmed Siilanyo Maxamud Xaashi Cabdi oo quudaraynaya Musharaxnimada Madaxtinimada Xisbiga KULMIYE Hadiiba uu wareejiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maalmihii udambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera iyada oo shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiyena kaabiga soo saaran yahay laguna qaban doono Magaalada Boorama bishan 23.02.2019

Ex. wasiir Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dagan Hutelka DAMAL Ee Magalada Berbera isaga oo halkaas kulamo qarsoodiya kula yeeshay Madaxda dawlada ee Gobolka Saaxil iyo odayaal iyo waxgarad kaloo kamida golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Waxaana la sheegay inu kulamadaasi ay la xidhiidhaan sidii uu usamaysan lahaa Maxamud Xaashi dad uu xulufaysto

oo kujira golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo isaga afkaartiisa taageersan si uu u heloo hamigiisa ah in uu noqdo hogaanka ugu sareeya xisbiga kulmiye [Gudoomiye Xisbi] waxaana sidaasi sheegaya xogo la xidhidha socdaalka Maxamud Xaashi ku joogo berbera.

Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka soo kicitimay dhinaca Gobolada Bariga sida Caynaba iyo Togdheer oo uu Kulamo noocana kula soo yeeshay Xubnaha golaha dhexe kaga jira xisbiga kulmiye dadka deegaamadaas ku dhaqan iyo Xisbiyahanadii Xisbiga La soo shaqeeyay ee aan xukumada Madaxweyne Muuse biixi xilalka ka helin.

Lama garanayo ila wakhtiga uu Maxamud Xaashi Berbera ku sugnaan doono iyo talabooyinka kale ee uu qaadi doono.

Baraha bulshadu ku xidhiidho ayaa waxa lagu arkayay dad Maxamuud Xaashi Cabdi ugu ololaynaya, balse illaa hadda lama oga taageerada uu ka haysto xisbiga dhexdiisa.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ay isku deegaan yihiin wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu hore uga digay in shirka xisbiga lagu qabto magaalada Boorama, waxaanu si cad u sheegay inay balamo hore oo ah in beeshooda lagu wareejin doono guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com