Gudoomiye Ciro Oo Kulan Gaar Ah Hargeysa Kula Yeeshay Safiirka Ingiriiska Ee Xilka Ka Tagaya

0
776

Safiirka dhawaan xilka laga bedelay ee Ingiriiska Mr David Concar oo uu weheliyo ergayga cusub ee Ingiriisku u soo magacaabay xafiiskooda Hargeysa ayaa shalay kulan la qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay weheliyaan la taliyihiisa arrimaha dibadda Faadumo Siciid, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X. Xasan iyo xoghayaha guud Khadar Xuseen Looge.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka hoggaanka WADDANI iyo Masuuliyiinta metelayay Ingiriiska laakiin, qoraal kooban oo uu boggiisa Twitter-ka ku qoray xoghayaha WADDANI Mr Khadar Looge ayuu ku sheegay in ay ka wada hadleen doorashada baarlamaanka, islamarkaana ay si cad ugu sheegeen in ay xisbi ahaan diyaar u yihiin laakiin, ay madaxweynaha ka sugayaan in uu diyaariyo jawiga doorashadu ku qabsoomayso.

Geesta kale xogo wargeyska Waaberi ka helay kulanka labada dhinac ayaa sheegaya in Mr David Concar oo dhawaan xilka wareejinayaa hoggaanka WADDANI waydiiyay su’aalo ku saabsan mawqifkooda doorashada. Su’aalaha waxa udub dhexaad u ahaa in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in doorashadu dhacdo iyo in kale. Xogaha ayaa intaas ku daraya in masuuliyiinta WADDANI u caddeeyeen in ay diyaar u yihiin doorashada laakiin, ay ku taaggan yihiin mawqifkooda ah kala dirista Komishanka iyo dhammaynta caqabadaha kale ee doorashada dib u dhigay.

Dhanka Danjire Concar ma jiro war uu arrintan ka soo saaray laakiin, xogaha Waaberi helayo ayaa tilmaamaya in farriinta uu siday ay udub u dhexaad u ahayd in dawladda Ingiriisku doonayso in doorashadu ku qabsoonto xilliga la muddeeyay ee dhammaadka 2019.

Dhanka kale weftiga Ingiriisku wuxuu kulan la qaatay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaana qoraal ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in laga wada hadlay arrimaha doorashada.

Dawladda Ingiriiska ayaa dhawaan bedeshay David Concar oo muddo laba sanno ah xilkaasi hayay waxaana la filaya in uu dhawaan xilka ku wareejiyo safiirka cusub ee loo magacaabay jagadan.

Madaxweyne Biixi oo shalay ka hadlayay arrimaha doorashada ayaa sheegay in ay muhiim Qaranka u yihiin in doorashooyinku qabsoomaan waxaanu xisbiyada ugu baaqay in ay ahmiyad siiyaan sidii doorasho u dhici lahayd xalna laga gaadho waxyaabaha hor yaalla qabsoomidda doorashada.