Deg Deg :- Al-Shabaab Oo Sheegtay Masuul-yada Weerarkii Saaka Lagu Dilay Agaasimihii Shirkada Dp World Ee Dekada Boosaaso

0
900

War Rasmi ah oo ay iminka soo saartey Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Ururkaasi masuul ka ahaa weerarkii saaka lagu dilay masuulkii shirkada Dp World u qaabilsanaa dekada magaalada Boosaaso .

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen guutada   magaceeda la dhaho Iqtiyaalaatka .

Waxaana sidaas idaacada afka Al Shabaan ku hadasha ee Al Andulus u xaqiijiyey afhayeenka Al Shabaab , sidoo kale Afhayeenka Al Shabaab waxuu sheegay in hawl galkani qeyb ka yahay hawl galo shirkado shisheeye oo uu calooshada u shaqeystayaal ku sheegay