Xisbiga WADDANI Oo Madaxweynaha Ku Eedeeyay Dibu Dhaca 5-aad Ee Ku Yimid Doorashada Golaha Wakiilada

0
1119

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa warsaxaafadeeda kasoo saaray dhawaaqii kasoo yeedhay Komishan Doorashooyinka ee ku aadanaa dib dhac mar kale ku yimid Qabsoomidda Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka, iyagoo dusha ka saaray masuuliyadda Qabsoomidda Doorasho kasta dalka ka dhacda inuu Madaxweynuhu leeyahay, waxaana soo jeediyeen in Doorashadaasi wakhtigeedii lagu qabto ama Shir la iskaga yimaado oo laga wada shaqeeyo Caqabadaha hortaagan.

Warsaxaafadeedkaasi oo uu Warbaahinta u akhriyay Gudoomiyaha Ku meelgaadhka ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa waxa uu ku bilaabay sidan “Maanta waxay daaran tahay arinteenani waa War-saxaafadeed ku saabsan dhawaaqii Komishanka ee ay ku sheegeen inaanay doorashadii Wakhtigii loo cayimay aanay ku qaban Karin iyagoo isku dayay inay sababeeyaan Caqabadaha ka hor yimid,waxaanu maanta idiin sheegaynaa waxa uu Mawqifka Xisbigu ka qabo,War saxaafadeedkaasi, Xisbiga WADDANI Isaga ayaa cid walba ka jecel in doorashooyin dalkan ka qabsoomaan, taasi macnaheedu maaha, Garna cidi uguma laha in Xisbigu ka qayb qaato doorasho uu u arko inaanay u dhacayn si cadaalad ah, oo Komishanka maamulaya doorashooyinku uu yahay mid uu waxbadan kasoo arkay oo markii horena oo markii horena Xulista Xubnihiisa inta badan Xisbi gaar ahi soo xushay, Doorashadii keli ah ee ay qabteena si aan gabasho lahayn ay ugu tunteen Nidaamkii Doorashada, Xeerarkii u yaalayna si badheedh ah ay u jiidheen, dhex dhexaadnimadii looga baahnaana ay ka baydheen”.

“Xisbiga WADDANI wuxuu shacabka Somaliland mar kale u cadaynayaa in Mawqifka Xisbigu ee kala dirista Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyo dheeli tirka Xubnihiisa Cusub ee Komishanku aanay waxba iska badelin,oo uu mawqifkoodii hore taagan yahay. Dib udhaca doorashooyinka Wakiiladda iyo Goleyaasha Deegaanka maaha mid la aqbali karo, indhahana laga qarsan karo, Golaha Wakiiladda waa markii Shanaad ee Doorashiisu dib u dhacdo,  intii ay jireen Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Xisbiga Kulmiye, Dib u dhaca doorashooyinkaana, eedeeda waxa iska leh Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, Cid kale oo lagu eedayn karaa oo loo sibir saari karaa majirto, Asalkabanna Doorashooyinka Qabashadooda, waxa  u xilsaaran Xukuumadda, waanay ka gaabisay, waanad ogtihiin. Waxa kale oo aad ogtihiin in Xisbiga WADDANI dacwad sharci ah ugudbiyay  8-Bilood ka hor, Bishii March ayay ahayd markii Dacwad 14-Bog ah aanu gudbinay Madaxweynaha, anagoo raacayna Xeer Lr.20, oo sida uu Xeerku farayana ahayd inuu Madaxweynuhu Gudi baadhitaan u saaro Gudidaasi waxay soo saartana uu ku go’aan qaato, waxaana dhacday inuu Madaxweynihii isagu Dacwadii iridka ka fadhiistay oo uu diidayba in dacwadaasi la galaba oo go’aankii Gudidu soo saari lahaydba uu isagu soo saaray oo uu yidhi, waxay mudan yihiin Bilad sharaf, lana kala diri maayo, taasbaanu xaq ulahayn, Gafna ku ah Xeer Lr.20.”.

“Komishanku waxa uu sheegay inuu Toban bilood u baahan yahay,inuu Doorashadda ku qabto, sideedaa Bilood ee lumay waxaa kamasuul ah Madaxweynihii is hortaagay in Xeer Lr.20 lagu dhaqmo,oo dariiqii ay lahayd la mariyo Dacwadaasi. Maanta Doorshooyinka waxaa hortaagan Caqabado badan, Caqabadahaasi masuuliyadeeda waxaa iska leh Xukuumadda Talada dalka haysa, waxaa ka kaw ah Caqabadahaasi saami qaybsiga Kuraasta Xubnaha Golaha Wakiiladda, oo xalkoodii ay Masuuliyadeeda ay lahayd Xukuumadda iyo Madaxweynuhu aan wali illaa maanta loo dhaqaaqin, Anigu waxaan ka mid ahaa Gudidii Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladda ee Gobolada soo martay, Warbixin ayaanu u keenay Shirgudoonka, iyaguna waxay u gudbiyeen Madaxweynaha, taladu waxay ahay inuu Madaxweynuhu shir qaran qabto oo talo Qaran laga yeesho oo sidii loo xalin lahaa loo xaliyo”.

“Waxa kale oo hortaagan iyana dhamaystirka xeerarka Doorashooyinka isku dhafan, dabagalkooda iyana waxaa iska leh Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, Labada Xisbi Qaran iyo Komishanku markaanu anagu ee aanu wadda shaqayntii ka joojinay Komishanka, Noomay joojin iyaga ayaa Golaha Wakiiladda u gudbiyay Xeerkaasi isku dhafka ah ee aanaan anagu waxba ku lahayn, Xeerkiina halkii ayuu wali yaalaa, Madaxweynihii soo gudbiyayna kamuu daba tabatagin, taana masuuliyadeeda waxaa iska leh Madaxweynaha iyo Xukuumadda. Waxa kale oo iyana Caqabada ku ah Doorashada, Dhamaystirka Diwaangalinta Codbixiyayaasha, oo ahayd Codbixiyaasha Cusub ee Imika Qaangaadhay in la diwaangaliyo, waxa kale oo ay ahayd dadkii aan gaadhadhka qaadan ee warqadahoodii lahayana in la qaybiyo oo kaadhadhkoodii loo sameeyo, Hawshaana waxaa iska leh Xukuumadda, iyadaana Ka gaabisay,waxbana kamay qaban, diwaangalina lama samayn, waana Caqabadaha hortaagan doorashada”.

“Waxa kaloo jira Siduu Komishanku sheegay Khilaafka Xisbiyadda oo ay ka cawdeen oo ay yidhaahdeen khilaafkaasi waxa uu wax u dhimay Geedi socodkii Doorashada. Waxaanu cadaynaynaa, khilaafkaasi saddexda Xisbi markay isku yimaadeen waxa uu ka socon waayay Dhinaca Xukuumadda iyo Xisbiga KUMLMIYE, oo diiday Talooyinkaanu soo jeedinay inay qaataan, sidaasi ayuu wadahadalkiina isku taagay, dhinacayagana wax iska taagay marjirto, wada hadahadal xagayaga ka burburayna majiree xagooda ayuu ka burburay, masuuliyaduna waa Madaxweynaha oo waad ogtihiin”.

“Gabagabadii Xisbiga WADDANI waxa uu halkan ku cadaynayaa in Qabashada Doorashooyinka Somaliland ay Masuuliyaddeedu guud ahaanba saaran tahay Madaxweynaha. Axsaabtu waa kasoo qayb galayaa, Waa tartamayaal, waxaa saaxadda hagaajiya oo dhamaystira Madaxweynaha iyo Komishanka. Xisbigu waxa uu halkan ka cadaynayaa inaan la aqbali Karin  doorashada Golaha Wakiiladda iyo Deegaanadu inay ka dambayso 2019-ka, waana la qaban karaa haddii masuuliyadda cidii lahayd qaadato, anaguna diyaar ayaanu u nahay, Xisbiga WADDANI waxa uu soo jeedinayaa in Mudda dib udhaca doorashadda ay noqoto muddo farsamo oo ay isla meel dhigaan Saddexda Xisbi Qaran sidii awalba Habdhaqanka inoo ahayd”. Ayaa nuxurka warmurtiyeedkaasi lagu soo gunaanaday .