“Toddobada Xubnood Ee Komishanka Sharaftoodu Waxay Ku Jirtaa Inay Is Casilaan”

0
775

Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Barri, wada hadalada Somaliya ee uu Madaxweynuhu joojiyey, qaabka uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay iyo is bedelada Siyaasadeed ee Geeska.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka u soo jeediyey inay is casilaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabaya joojinta wada hadalada Somaliya iyo qaabka uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay “Wadanku wuxuu Wadan ku yahay ilaalinta qawaaniinta iyo sharciga u yaala, in la ilaaliyo mucaarad iyo muxaafidba, qof caadiya iyo qof siyasiyaaba, ama qof madax ahba, in si isku mid ah Sharciga loo ilaaliyo ayaa Wadanku Wadan ku noqonayaa,laakiin Sharcigii loogu ogolaaday in Xukuumaddu la hadasho Somaliya, waa Sharci soo maray Golayaasha, oo la weydiiyey Golayaasha in Xukuumadda loo ogolaado inay iyadu wada hadal la furi karto Somaliya, iyada oo halkaas danaha dalka ka dhawaraysa, waxyaabaha ay sheegtay darteed ayaa Golayaashii Sharcidejintu ayey ka ogolaadeen in Xukuumaddu la hadli karto Somaliya, in Somaliland Somaliya la hadashana waxa micnaheedu yahay inay Xukuumaddu masuul ka tahay la hadalka Somaliya, oo cid kale oo ka masuul ahi aanu jirin, markaas iyada ayaa xaq u leh inay wada hadalka furto ama xidho, marka sharciga la eegayana, Xisbiyada qaranka iyo Golayaasha waxaa saaran xisaabin iyo ka war hayn, oo ah qaranimadii ma waxbaa loo dhimay, mise waxba lagu kordhiyey, markaas kadib ayaa laga keeni karaa dood ah in la joojiyo wada hadalka oo la xidho, haddii loo arko inay Somaliland, dhib ku tahay, waa haddii ay Xukuumaddu tidhaahdo waanu sii wadaynaa, haddii ay si fiican u wadana waxa la odhan karaa sidaas u sii wad, markaas wada hadalka Somaliya ee  ay Xukuumaddu tidhi waanu joojinay, waxaan u arkaa inay iyadu xaq u leedahay, madaama Dawladda Farmaajo ay Somaliland ula dhaqmayaan sidii Maamul Goboleed oo kale, in Xukuumaddu joojiso, oo ay halkeedii hore u caliso, iyada ayaa xaq u leh, wax dhib ah oo ku jiraana ma jirto”.

Mar aanu wax ka weydiinay is bedelada Siyaasadeed ee ka socda Geeska, is bedelka Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa yidhi “Arrimaha Itoobiya wey soo fara badanayaan, warar xogogaal ah oo aanu helanayna waxay sheegayaan in Safiirka Itoobiya ee Somaliland, in aan la eriyin, ee ay Muqdisho sameeysay, Muqdishana dayaacado fara badana wey inagu wadaa, arrimo Siyaasadeed oo inaga dhan ahna wey inagu wadaa, Somaliland iyo itoobiyana waxaa ka dhexeeya xidhiidh fiican, oo dhinacyo badan leh, Dhaqaale, Amni iyo Dhulbaa inaga dhexeeya, markaas haddii ay u gacan haadiyaan, Farmaajo oo wax ka khuseeya Somaliland aanay jirin, Siyaasad xumo tii ugu weynayd ee ay Itoobiya ciyaarto ayey noqonaysaa, cidda u dhitanaysaana iyada weeye, Qarankani mid dhaw iyo mid fogba, midna ka gaban maayo, marka ay noqoto sharaftiisa, iyo jiritaankiisa oo la isku dayo in wax loo dhimo, Axmed Abay, waa nin cusub, Siyaasada noocaasna waanu uga digaynaa, isagana waxaa dhibaato ugu filan, dal dhibaataysan, oo balaadhan, oo kala go go’an, oo dadku kala qoomiyadu yihiin, ayaa gacanta loo galiyey, inuu tiisa guddaha uu hagaajiyo ayey dantu ugu jirtaa, arrimaha imika socda, ee ah isku taga Elatariya, Itoobiya iyo Somaliya, danahooda dhaqaale, iyo siyaasadeed iyaguu khuseeya, laakiin arinta aanu uga digaynaa waxaa weeye in aanay marnaba xisaabta ku darsan wax Somaliland khuseeya, anagu Xisbi ahaan waxaanu leenahay wax la aqbali karo ama wax la yeeli karo maaha in qaranimada Somaliland waxyeeladeeda lagu dheerado, sida aanu haddaba ka maqalayno Warbaahinta, inta aan arintaas la soo gaadhina waxaan soo jeedinayaa in difaac adag la xidho wax kasta oo waxyeelo ku ah Somaliland, isku day kasta  oo loo maleegayo Somaliland aynu ka hor tagno”

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Safarka Madaxweynaha ee Gobolada Barri ayaa ku jawaabay “Safarka Madaxweynuhu wuxuu muujinayaa in dadka reer Somaliland yihiin dad aad u wanaagsan, wuxuu muujinayaa safarka Madaxweynuhu in dadka reer Somaliland yihiin dad jecel madaxdooda, iyo qarankooda, Madaxweynuhu soo daweeyan xoogan ayuu kala kulmay meeluhu islahaa aad lagaagama soo dhaweeynayo, taasina waa bilsayl ay dadka reer Somaliland leeyihiin, waana u amaanaynaa in dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin waxyaabaha guud ee qaranka, iyada oo qaranimadeenii khatar ku jirto, maaha in buuq fara badan iyo kala daadsanaan guddaheena ah la dareemo, qaranimadeena guud ee dalka waa inaynu adkaynaa, khatar kasta oo inagu soo waajahana waa inaynu ka hor tagna, iyada oo qabsoomidii Doorashadu diyaar inaga tahay inuu Madaxweynuhu safar galaa wey ka sii wanaagsanaan lahayd, laakiin candhaba waa xubin, ee mar haddii uu maataba tagay, ee waxaanu kula dardaarmaynaa in halkay Ciidamadu joogaan iyo Xuduudaha Barriga, Tukaraq, Badhan iyo Laas-qorayba inuu wada gaadho, oo uu u hoydo, oo uu joogo, oo muwaadiniinta halkaas jooga inuu dhegaysto baahidooda, oo uu la sheegaysto, oo uu balan cad u soo qaado wuxuu qabanayo, waxaa la yidhi haani gunta ayey ka tolantaa, oo marka aad badhida ku fadhido ayaad wax qabsan kartaa, ee Beelaha darafyadu waa inay si dhab ah Somalilad raali uga noqdaan, waxayna raali uga noqonayaan in heshiisyadoodii hore la fuliyo, baahidoodana la dhegaysto, horumarkia iyo dawladnimadana la gaadhsiiyo, taasina waa waajib qaran, oo Madaxweynaha looga fadhiyo”.

Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Sidii aanu horeba u sheegaynay Doorashadu dib bay u dhacaysaa, sababtuna waa Komishanka, maxaa yeelay khilaafka Komishanku wuxuu keenay in Doorashadu dib u dhacdo, Xisbi ahaana waxaanu qabnaa in Komishanka la kala diro, waana soo jeedinay kala dirkiisa, in badana waanu ku cek-celinay, Xisbi ahaana Komishankani inta uu joogo Doorasho gali mayno, mana dhacayso, maxaa yeelay Komishankan laguma kalsoonaan karo, Garsoor dhex ah oo daacad ahna maaha, Todobada xubnood ee Komishanka sharaftoodu waxay ku jirtaa inay is casilaan, si loo dhaqaajiyo hawlaha Doorashooyinka, balse haddii ay is casili waayeen, waa u sharaf daro, Doorashooyina dhici mayaana, waxayna ku calaamad sanaan doonaan Komishankii Doorashooyinka dib u riday”